| | 658 views

Maqaal: Sidaan si ka fiican! W/Q: Hassan Hundubey

Waxa ay ahayd in aan u noolaano si ka wanaagsan sida aan hadda u noolnahay, haddaan Soomaali nahay!
Kaba hadli maayo adduunyada kale, ee labada magaalo ee deriska nala ah ee Nairobi iyo Addis haddii aad booqato waxa aad dareemeysaa yaxyax iyo xishood kan ugu weyn, waasa hadii damiirkaagu weli noolyahay!

Waxa aad is weydiinaysaa maxaa idinka maqan oo ay ayagu haystaan oo keenay in ay sidaan u horu maraan, adinkuna aad dib-dib u socotaan?
Waxa aan in dheer u fiirsaday seddaxda bulsho ee kala degan seddaxda wadan ee Soomaaliya, Ethiopia iyo Kenya, bal sida ay u noolyihihiin?

Waxa ugu fudud oo aad ku dareemi kartaa waa goobaha dadku isugu yimaadaan sida ay u dhaqmaan!
Kenya iyo Ethiopia in saf loo galo goobaha adeega, gaadiidka dadweynaha iyo meel walba oo bulshadu ay dan guud u timaado, waa arin caruurtu taqaano oo lagu soo ababiyay yaraantoodii, halka Soomaalidu ay doqonimo u aragto in ay saf u gasho goobaha adeega bulshada, oo dadka badankiisu uu isku dayayo in uu ka boodo safka oo uu dadka dardaro si uu asagu uun tiisa u fushado, asaga oo aan dan ka leheyn dadkii ka soo horeeyay ee uu jiiray!

Bangiyada oo ah goobaha ugu waaweyn ee aad ka fili karto bulsha aruursan oo tixgelin leh xataa waa nagu adagtahay in aan saf galno!

Waxa aan u fiirsaday adeegayaasha iyo maamulayaasha goobaha danta guud iyo xataa jid-gooyinka ciidamadu wax ku baaraan. Aad iyo aad ayay u adagtahay in aad aragto cid daneyneysa sida loo soo kala horeeyay. Qofka hor taagan kaliya ayay hormarinayaan dana kama leh sida loo soo kala horeeyay, hadaad kala hadashana waaba kula yaabayaan oo waxa ay ku leeyihiin badankoodu xageed nooga timid?
Adeegaha danta guud hadduu doono waxa uu isaga hadlayaa taleefan oo waxa aad u sheegaysaba maqli maayo, qaladna uma arko arinkaas!
Mararka qaar waxaa dhacda in aad is maqli weydaan adiga iyo adeeguhu, waayo goobta adeegga waxaa ka dhex socda fadhi ku dirir ku salaysan yaan lagaa qeyla dheeraan! Adeegaha goobtaas iyo maamulkuna wax dhib ah uma arkaan qeyladaas!
Waxa aan weydiiyay ciidankii bangiyada mid ka mid ah waardiyaynayay, bal in uu i tusiyo maamulaha bangiga si aan ugu sheego dhibka iyo kala dambeyn la’aanta goobta ka jirta, si dadka loo kala hagaajiyo. Waxa uu igu yiri: war iska tag, hagaajin iska daaye, lafahaaga la fako, hadaan lagu dilin waa nasiib badantahaye!
Wax ha la kala hagaajiyo ayuuba ka anfariiray!

Waxaana hadalka iga keenay markii mid i soo dul istaagay aniga oo taagan miiska ama dariishadda adeegga bangiga oo uu igu yiri: maxaa ku taagay meesha maad isaga tagtid? Saw hawshaadii kuuma dhamaan?
Waxa aan ku iri: maya iima dhamaan, waa weli, oo waa la wadaa. Wiilkii shaqaynayay ayuu si toos ah u abbaaray inta iga dul booday, wiilkiina sug maba dhihine asagii ayuu lasii waday!

Safafka loo galo goobaha adeegyada bulshadu waa bilawga ilbaxnimada bulsha kasta, laakin annagu waxa aan u aragnaa doqonimo!

Bulshadeenna markii aan u fiirsaday waxa ii soo baxday in intooda badan ay iska dhaadhiciyeen in aan jid toosan waxba lagu heli karin oo badankoodu wax ku doonayaan qaab qaloocan oo ku dhisan degdeg iyo dulqaad la’aan aan maskax caafimaad qabta aysan marnaba ku riyoon karin!

Gebagebada iyo gunaanadku waa in hawl adag oo na wada sugeysa ay tahay in aan qaab-dhaqankeena jidka toosan ka baxay aan dib ugu soo celino, socdaalkuba ha dheeraadee!

Hassan Hundubey Jimale



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*