| | 409 views

Ciidamada Xoogga Dalka Oo Soo Bandhigay Rag Ka Tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa waxa ay howlgalo ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay gudaha iyo daafaha Magaaladda Marko ee Xarunta gobolka Sh/Hoose halkaas oo dhawaan ay kala wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalkaasi,  ayaa waxaa lagu soo qabtay in ka badan 32 isugu  jira Saraakiil iyo rag ka tirsan Al-Shabaab , kuwaasi oo dhammaantood qirtay kamid ahaanshaha Al-Shabaab sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee howlgalkaas sameeyey,sila markaana manta la soo bandhigay.

goobta lagu soo bandhigay raga la soo qabtay, ayaa waxaa ku sugnaa Abaanduullaha ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage  oo ay wehliyaan xubno ka socday xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Abaandullaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed,  ayaa sheegay in raga ka tirsan Al-Shabaab ee lasoo qabtay ay qirteen kamid ahaanshaha Alshabaab, waxaana uu xusay in dhowaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida lasoo taagayo.

Ragga lasoo qabtay, ayaa waxaa Saraakiishu sheegeen inuu ku jiray Sarkaal Alshabaab u qaabilsanaa fulinta dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaaladda Marko, kaasi oo lagu magacaabo C/casiis Jamaal.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*