| | 386 views

Musharixiin Soomaali Ah Oo U Tartamaya Baarlamaanka Dalka Sweden (Warbixin)

Ugu yaraan seddex murashax oo Soomaali ah ayaa u tartamaya xildhibaannimada Baarlamaanka Sweden, doorashada dalkaas ka dhici doonta 9 Siteembar 2018.

Laba ka mid ah waxay ka wada tirsan yihiin xisbiga talada haya ee Social Democrats, waxayna ka ololaynayaan magaalada caasimadda ah ee Stockholm.

Tiro ka badan 60,000 oo Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin dalka Sweden, sida ay sheegayso tirokoob la sameeyey 2016.

 

 

Maxamed Nuur iyo Barni Nuur waxay ka mid yihiin Soomaalida dalkaas muddada dheer degganaa, haatanna u taagan xildhibaannada baarlamaanka.

BBC ayaa labadoodaba la xiriirtay, oo su’aalo isku mid ah weydiisay, xilli ay aad ugu mashquulsanaayeen ololaha doorashada oo gabagabo ku dhow.

Codadka ay ku xisaabtamayaan waxay ka doonayaan intooda badan Soomaalida ku nool Sweden ee xaqa u leh inay codeeyaan.

Wuxuu Sweden deggan yahay 20 sano, siyaasadda wuxuu soo galay muddo 5 sano ku dhow.

Degmada uu ku soo koray ayuu xisbiga Social Democrats guddoomiye uga ahaa.

Muxuu soo qabtay?

Wuxuu kala shaqeeyey jaaliyadda dhibaatooyin dhacay markii xisbigiisa uu 2014 ku guulaystay xukunka, markaasoo falal amni darro ay ka dheceen xaafadda uu deganaa.

Wuxuu xisbiga uga dhex dooday sidii dhibaatada loo joojin lahaa.

Mauxuu doonayaa in lagu doorto?

Wuxuu doonayaa in lagu doorto isagoo ka soo hor jeeda siyaasadda jinsi nacaybka (cunsuriyadda ku dhisan). “Magacayga waa Maxamed. Waxaan ahay qof muslin ah oo madow, anigoo intaas isku wata waxaan doonayaa in aan baarlamaanka galo oo wixii ay wataan aan ka hortagi karo, dadkayga difaaci karo, oo aan qayb ka noqdo go’aannada iyo sharci dejinta” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo intaa ku daray inuu ka shaqaynayo sidii uu wax uga beddeli lahaa muddada ay Soomaalida Baasaboorka ku qaataan “oo hadda 8 sano ah”, oo “sida dadka kale ay 4 sano ku qaataan”.

Siyaasadda xisbiga ee soo galootiga ka soo horjeedda iyo duruufta dadka muhaajiriinta ah sidee isu waafajinayaa?

“Wax badan ayaan xisbigayga iyo aniga iska hor nimid. Marka xisbigayga uu xisbi kale ka soo horjeedo, xisbiga ayaan tageersanahay, laakin haddii ay noqoto xisbiga iyo shacabka, waxaa la igu bartay in aan shacabkayga dhex istaago”.

Shaqooyinka dadka soo galootiga oo la adkeeyey in la siiyo ruqsadda shaqada

Wuxuu sheegay in afarta sano ee ay xukunka hayaan ay shaqaaleysiiyeen 300,000 oo qof.

Wuxuu intaa ku daray in guryo badan ay dhiseen, haddii ay doorashada ku guulaystaanna ay kuwo kale dhisi doonaan.

Maxay musharraxiinta Soomaalida ah codkooda u midayn waayeen?

“Waxaan ogsoonahay in gabar ay tartanka ku jirto, siddeed bilood ka hor ayaan bartay, horayna isuma aqoonin, waddan dimoqaraaddi ahna waa ku nool nahay, qof walbana hami ayuu leeyahay, mana dhicin in aan arrintaas isla soo qaadno.

Muxuu ballan qaadayaa?

“Baasaboorka oo lagu qaato wakhti ka yar kan Soomaalida ay hadda ku qaataan”

“In aan qof Soomaali ah lagu bahdilin waddanka Sweden”.

“In qof kasta oo dhallinyaro ah uu guri helo oo cariiri uusan ku noolaan”.

“In la iigu codeeyo waxqabadkayga”.

Barni Nuur

Waxay degganayd Sweden muddo ku dhow 33 sano.

Maxay soo qabatay?

Siyaasadda kuma jirin, laakin waxay ahayd shaqaale dawladeed muddadii 15ka sano ahayd ee u dambaysay.

Waxay xubin ka ahayd guddiga xisbiga ee xaafaddeeda, oo ay si mutadawacnimo ah ugu shaqaynaysay.

Maxay doonaysaa in lagu doorto?

“Waxaan ka mid nahay dadka ugu badan Afrikaanka iyoMuslimiinta waddankan, laakinse ma haysanno dad na matala oo Baarlamaanka noogu jira.

Maadaama aan xirfad weyn u leeyahay u adeegga bulshada, waa hawl aan ka bixi karo in aan matalo Soomaalida iyo guud ahaan Afrikaanka ku nool Sweden”.

Waxay BBC u sheegtay in safaarado ay Sweden ku leedahay Afrika ay ka soo shaqaysay, hawsheedana ay ahayd dhinaca samafalka.

Siyaasadda xisbiga e soo galootiga ka soo horjeedda iyo duruufta dadka muhaajiriinta ah sidee bay isu waafajinaysaa?

“Sweden waxay rabtaa in Yurub ay qaadato ‘nidaam mid ah oo xagga dadka magangalyo doonka ah’ oo waddan kasta uusan cayimin inta uu qaadanayo.

Hadda waxaan ka shaqeeyaa waaxda socdaalka, arrinta socdaalkana waa mid dood weyn ay ka taagan tahay, waayo lama aqoonsana baasaboorka Soomaaliga. Waxaa jira dad sannado dheer waddankan joogay oo la yiri ka baxa maadaama aan la caddayn karin qofka jinsiyadooda” ayey tiri.

Waxay sheegtay in ay dadkaas wax u qabanayso, maadaama ay khibrad u leedahay arimaha socdaalka.

Waxay intaa ku dartay in ay ka shaqaynayso sidii Baasaboorka Soomaalida uu aqoonsi uga heli lahaa Sweden.

“Laakinse haddii uusan joogin baarlamaanka qof arrintaas riixaya, way adag tahay in qof kale uu wax ka qabto”, Soomaalidana waxay u baahan tahay qof matala oo codkooda ku hadla.

Shaqooyinka dadka soo galootiga oo la adkeeyey in la siiyo ruqsadda shaqada

“Waxaan ka shaqaynayaa in dadka ay dalka la qabsadaan marka ay soo galaan oo ay shaqooyin helaan ayagoo aan ku daahin muddo dheer in ay cayr qaataan” ayey tiri.

Waxay sheegtay in Soomaalida ay ka caawinayso sidii ay afka iyo dhaqanka degdeg ugu baran lahaayeen oo nolosha dalka ka jirta ula qabsan lahaayeen.

Maxay musharraxiinta Soomaalida ah codkooda u midayn waayeen?

“Ma aanan ogeyn in qof kale oo xisbiga ka tirsan uu Stockholm ka sharraxan yahay, laakin haddii uu qof isa soo sharraxo asaga ayaa is og inuu ka bixi karo, anigana waxaan ahay qof ka bixi kara”.

Maxay ballan qaadaysaa?

“Dadkeenna dad matala ayey u baahan yihiin, dad arrimahooda ka hadla ayey u baahan yihiin, waa midaas tan aan qabanayo.

“Waxaan ahay qofka kaliya ee dumar ah ee magaalo madaxda ka sharraxan. Waayo aragnimada iyo xirfadda aan leeyahay labadaba waxay ii saamaxayaan in aan Soomaalida matali karo oo aan hawshaas ka bixi karo, dhallinyaradana aan u noqon karo qof ay ku daydaan”.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*