| | 418 views

Dowladda Kenya oo baareysa sida uu dhalashada Kenya ku helay Fahad Yaasiin agaasime ku xigeenka NISA

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay baaritaanno dheeraad ah ku sameyneyso Dukumiin-tiyo dhalasho oo iska hor imanaya oo uu dalka Kenya ka qaatay taliye ku-xigeenka hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhawaan madaxweyne Farmaajo xilkan u magacaabay.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in Fahad Yaasiin oo ah taliye ku-xigeenka hay’adda NISA la ogaaday in uu heysto Baasaboor iyo Karaar dhalasho oo iska horimanaya oo uu ka qaatay dalka Kenya, kuwaa oo qaarkood uu ku tagay safari badan oo dibedda ah.

Xog-hayaha Socdaalka, Xuduudaha, iyo diiwaangelinta dadka ee dalka Kenya Maj. Gen Gordon Kihalang ayaa warbaahinta u sheegay Isniintii shalay in uu socdo baaritaanka ku saabsan sida uu mas’uulkan ku helay kaararka aqoonsiga Kenya, hasse ahaatee waxaa uu ka gaabsaday in uu macluumaad dheeraad ah bixiyo isaga oo yiri’’ Ma rabo in aan ka hor dhaco arrimo aan wali kala cadeyn.

Fahad Yaasiin ayaa heysta baasaboor Kenyan ah oo nambarkiisa yahay C024542 iyo sidoo kale kaarka aqoonsi muwaadinimada oo nambarkiisa 28847167, soo raad raac u noqonay baaritaanka socda.

Fahad ayaa la sheegay in uu Kaarka dhalashada ku qaatay in uu ku dhashay Mandhera 19 July sanadkii 1978dii, waxaana uu Baasaboorkiisii ugu danbeeyay ee uu qaatay 06 September sanadkii 2013 ugu qoran in uu ku dhashay dalka Kenya.

Laakiin Kaarkiisa aqoonsiga ee soo baxay 13 July sanadkii 2017 ayaa waxaa ku xusan in uu ku dhashay Soomaaliya waana tan shakiga weyn ku abuurtay dowladda Kenya.

Faah faahinta iyo cadeymaha ID-giis ay muujinaya dhinaca kale  in uu dhashay Fahad Yaasiin 5tii April sanadkii 1978dii, sharcigana uu ka qaatay Bariga Mandhera.

Eedeymahan oo labadii maalmood siweyn u qabsaday baraha bulshada wali kama uusan jawaabin taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo dhinaca kale ah shaqsi siweyn ugu dhaw madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada