| | 767 views

Taariikdii Cilmi Gaala Dile.(Ninkii yiri:“intii Xuriyadda Soomaalidu dib u dhici leheyd anniga ha la i dilo.)

U gaar ah walaal: Cali Xaraare.

Hordhac: Taariikhda Soomaalidii Hore, haddii aad raadinee, mar mar waxa ay kugu khasbee in aad ku raadisid baaritaankaaga hab Qabiil, Deegaankii taariikhdaasi ka dhacday iyo waqtigii, sida Md. Cali Xaraaraba uu Muujiyay.

Ninkii yiri: “intii Xuriyadda Soomaalidu dib u dhici leheyd anniga ha la i dilo”.

Halgamaa: Cilmi Sh. Xassan Cadow (Cilmi Gaala Dile), waxa uu ku dhashay Tuulada Ceel Ure ee Sh/Hoose ( 1925-1981). Qabiil: Absuge Qombor – Abgaal. Hooyadii waxa la dhihi jiray: Jilacey Jimcaale Barow ( Murusade – Hilibi).

Siduu u dhacay dilka Gaalkii: Delbufle?.

Caruur Soomaali ah ayaa galay Beertii Gaalkii Delbufle, caruurtii markii ay arkeen Gaalkii ayey ka carareen, waxa uuna soo qabtay wiil ka mid ahaa oo la dhihi jiray Cumar Adan Cadow oo Agoon ahaa, waxaan ay ilma adeer ahaayeen Cilmi Xassan Cadow “Gaala dile”, Gaalku Bir ayuu si xun madaxa uga garaacay wiilka, kadibna waa ku dul istaagay, feerahana waa ka jajabiyay, lama arag qof u gacan galay oo nolol uga baxsatay, wiilkii waxa uu ugu muuqday in uu dhintay, God ayuuna ku riday qashin ayuuna dusha ka saaray. Dad arkayay ayaa ka soo bixiyay, nasiib wanaag waa noolaa markaa, 2 sanno kadib ayuu wiilkii u dhintay dhaawacii iyo cudurka TBda.

Qoyskii ayaa u dacwooday Saldhiga Boliska ee Marko oo uu taliye ka ahaa L/Xiddigle: Maxamed Cali Samatar (ex-Madaxweyne ku xigeen) iyo Gudoomiyahii Degmada Marko oo ahaa Nin Soomaaliya oo reer Baraawe ah. Madaxdii loo dacwooday ayaa tiri: Gaalkaan, gaalada kale ayaaba ka cabsato, dad badan ayuuna dilay, waxbana lagama qaban karno. Cilmi ayaa ku yiri: Hadaadan wax ka Qaban karina anigaa ka qabanayo.

Qoyskii ayaa u noqday Ceel Ure, shir ay isagu yimaadeen ayaana lagu Go’aamiyay in Gaalka la dilo. Waxaana loo diray Cilmi Xassan Cadow iyo Yusuf Nur Cadow, oo ilma adeer la wada ahaa wiilkii Agoonka ahaa Cumar Adan Cadow.

Waxay soo aadeen Golweyn oo Gaalku Beer ku lahaa, waxa ayna ka raadiyeen meel Beerta u dhaw oo ay gaaladu galabtii Coffee ku cabi jireen, iyaga oo geedaha dhexdooda isku qarinayo, weyna ka waayeen, Beertiisii ayey ka raadiyeen waxa ay arkeen Gaalkii oo ku foorara Matoor Makiinada Beerta looga shaqeeyo oo ka haleysnaa oo uu sameesanayay. Kadibna Cilmi ayaa Misaar madaxa uga dhuftay, Yusufna ragii kala ee la joogay oo ahaa shaqaalahii Beerta ayuu Midi ula baxay, qol yar ayuuna ku uruuriyay, isaga oo leh adinka idin ma rabno Soomaaliyeey ee naftiina ha haligina. Misaartii ku mudneed Madaxii Gaalka ayuu cilmi ka soo bixi waayay, Yusuf ayaana ku caawiyay in uu kala soo bixiyo, waxaana la Dilay Gaalkii Delbufle sannadkii 1957dii.

Isla maalintii ayaa Talyaanigu Go’aan soo saaray, la leeyahay Soomaalida xuriyadeeda dib ha loo dhigo, sooma qaban karaan dambiilayaasha dadka dilo, welina uma bislo in ay Xuriyad Qaataan.

Cilmi ayaa markii uu maqlay in ay xuriyadu dib u dhecee, ayuu soo qaatay Misaartii oo weli dhiigii leh, waxa uuna yiri: intii xuriyadu ay darteey dib ugu dhici laheyd aniga haleey dilo, Soomaalida kalena Talyaaniga ha ka xuroobeen, Ee Dilkeyga iyo xoriyadda labadaba soo dedejiya, Annigaana dilay Delbufle.

Wax yar kadib Yusuf ayaa ka yimid Beertiisii oo Golweyn ku tiil, Yusuf ayaa yiri: Cilmi wax ma dilin ee aniga igu bedela annigaa Gaalkii Delbufle dilay, laakin Cilmi oo Misaartii Kor u tagaya ayaa yiri: Ninka dhab ahaan wax dilay waa anniga. waxaa kale oo la soo xiray Nabadoonkii guud ee Abgaalkii deegaanka oo ahaa Qabiilka Kabaale Wacbuudhan laguna magacaabi jiray: Cabdulle Hiloowle. Nabadoonka oo lagu eedeyay in uu Talyaaniga caayay kuna farxay Dilkii Gaalka Dalbufle, dhowr sanno ayaa lagu xakumay Nabadoonkii, laakin mudda yar kadib waa la iska sii daayay. Yusuf bacdamaa uuna dilka toos uga qayb qaadan waxaa lagu xakumay 15 sanno. Laakin Cilmi Xassan waxa maxkamaddu Tiri Dil toogasha ah ha lagu xakumo. Dacwada waxaa loo soo wareejiyay Xamar (Misaartii uu Cilmi ku dilay Gaalku waxa ay tiil Saldhiga Booliska Shenteraale ee deg. Xamar weyne illaa 1981dii).

Qareenkii ayaa Maxkamadda hor keenay Cadeymo Buuxa oo dhameystiran muujinayana in uu Gaalkaanu hore u dilay 35 Qof oo Soomaali ah, uuna mudnaa Delbufle in la dilo.

Goob jooge ayaa igu yiri: Yaxyoow, Soomaalidu waqtigaa malaheeyn qabiil iyo waxa aad maanta u taqaaniin Dir, Daarood, Hawiye ,Digil & Mirifle iyo Beesha shanaad, waxa soo baxay Soomaali isku duuban oo ay hor socdeen Horseedkii Leegada SYL, weeyna ka dhiidhiyeen, hadeyna ka hor imaan laheeyn xukunkaa Cilmi waa la dili lahaa maalintaa.

Maxkamadii ayaa loo wareejiyay Dalka Talyaaniga, Qareenadii ayaa aaday Talyaaniga laakin Cilmi Xabsigii ayaa lagu sii hayay, Maxkamadaa ayaa Go’aamisay in loogu bedelo Xabsi daa’im (madaxaa ha ku furto). Cilmi iyo Yusufna waxa ay Xabsigii ka soo baxeen 1960kii Cafiskii guud ee Xuriyada oo la faaruqiyay Xabsiyadii dalka oo dhan Xuriyadda darteed. Intii uu Xirnaa dadkii Deegaanka ayaa Ilmahiisa taakuleyn jiray, Beerahana la tacbi Jiray.

Xuriyadii kadib, Cilmi waxaa uu ka mid noqday Ganacsatada Beeraha iyo Gadiidka, waxa uuna ka mid ahaa Beeraleyda caanka aheyd, waxaan loo yaqiin “Cilmi gala dile”. kadibna doorashadii 1969kii ayuu isku sharaxay Xildhibaan, ka sharaxnaa Xisbi Mucaarad ahaa, laakin Leegada oo xukunka heysatay ayaa uga shubatay, wuuna waayay xildhbaannimadii. Dadkii yaqiin waxa ay ii sheegeen in Cilmi uu ahaa nin geesi ah, Deeqsi ahaa, Dadka deegaankana xiriirin jiray, Cilmi waxa uu dhintay 1981dii, Yusufna waxa uu dhintay mar dhaw 2017dii.

KUMUU AHAA DELBUFLE ?.

Goob Jooga yaal ayaa igu yiri: Gaallo ka mid ahaa ciidkii Talyaaniga oo Howgaba ahaa ayaa la siiyay Beero badan si ay ugu noolaadaan, Delbufle waa ka dhalin yaraa waxa uu ahaa Ex-Kumaandoos, Shish yahan, Xoog weyn. Goobjooge ayaa igu yiri: maalintii maxkamada ayaan xasuustaa oo la yiri: Cilmi iyo Delbufleba waa 32 sanno jiro. Delbufle waxa uu Golweyn ku lahaa Beer weyn, waxaa ku dhax yiil Xero weyn oo Xayawaano ugu xareysnaayeen sida: Libaaxyo, Maroodi, Shabeel, Yaxaas iyo duur joog kale oo badan. Waxaa la dhihi jiray waxa uu mar mar siiyaa Hilibka dadka masaafurka ah iyo shaqaalaha amarkiisa diido, Baabuurkiisa lagama celin jirin qof Soomaaliya haddii uu ku yimaado waana la dardarsiin jiray, xattaa Gaalada kale ee Talyaaniga ah waa garaaci jiray, aad ayeyna uga baqi jireen. Waxa uu qabay xaas Talyaani aheyd oo aan caruur u dhalin. Markii dambe Beertii waxa ay ka gaday nin ay walaalo ahaayeen Marwo Dalaayo oo aheyd Xaaskii Maxamad Siyad Bare. Kadibna Xaaskii Delbufle Talyaaniga ayey u guurtay.

MAHADCELIN:

Waxaan u mahad celinayaa, Odayaashii reer Sh/Hoose ee aan la xiriiray, Ex-G/dhexe: Axmad Xassan Cadow oo ay walaalo ahaayeen Cilmi Xassan Cadow “ Cilmi Gaala dile”. G/dhexe Axmed Xassan Cadow Ex- Sarkaal XDS waxa uu Billad ku qaatay Dagaalkii 77 ee Soomaalida & Itobiya, Haddana waa beeraleey degan deegaanka Golweyn, Md. Cabdullahi Cali Nur, Md. Maxamed Cali Gadid, iyo Caruurtii Cilmi oo kala jooga Kanada iyo Ingriiska, waxaa kale oo aan mahad gaar ah u celinayaa walaalkey: Cali Xaraare oo la’aantii aanan Cilmi baaristaan sameyn laheyn, Anniga oo tixgalinaya Codsigii Cali Xaraare ee ahaa taariikhda Ninkaa aan la aqoon in la helo, oo Cali Xaraare uu la’aa meel loo raad raaco. ayaan anna bilaabay Baaritaankaan, si aan xog dheeriya u helo.

FG: Sawiradiisii aad ayaan u raadiyay laakin weli ma helin, qaar ayaa ku dhumay qixii badnaa ee Sh/Hoose.

Arragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii iga khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada