| | 856 views

Is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika iyo Jahwareerka Farmaajo!

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta berri ah booqasho ku tagaya wadanka Jabuuti. Isagoo aan ka helin wax casuumada madaxweyne Geele

arinkan ayaa ah waji Gabax iyo indha adkaanta siyaasadeed waa talo xumida siyaasada arimaha dibada ee dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Waxaa la wada og yahay in uu jiro mad-madow siyaasadeed oo soo kala dhax-galay labada dowladdood Soomaaliya iyo Jabuuti kaddib booqashadii madaxweyne Farmaajo uu ku tagay magaalada Asmara.

Dowladda Jabuuti ayaa hore walaac uga muujisay hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo intii uu ku guda jiray booqashadii uu ku tagay Asmara, isagoo UN ka codsadey in
laga qaado cunaqabateynta saaran wadanka Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu Qorsheys tay in uu kulan la qaato Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle, oo aad uga caraysan Go,aamada siyaasadeed ee khatarta ku ah Qaranimada jabuuti. In jabuuti ka dhacdo kacdoon Qawmiyadeed oo u dhaxeeya somalia iyo Canfar oo dawlada Eritrea hoos ka riixayso.

Waan wada og nahay waxa ay isku hayaan dawladaha jabuuti iyo Eritrea waa dhul badeed muhiima ah oo dawlada Eritrea xoog ku qabsatay sanadkii 2008

Siyaasada madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqata mid u janjeersatay Isbaheysiga
Hogaamiyaasha Eritrea iyo Ethiopia ee dhowaan xulafada la sameystay Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Waxaan Falanqeyn tayda farta ku fiiqayaa kacdoonka siyaasadeed ee ku dhisan Qawmiyadaha ku dagaalamaya awooda siyaasadeed ee hogaanka Geeska afrika iyo loolanka loogu jiro Dakadaha ku yaal Gobalka Geeska Afrika.

siyaasad khaldan. oo aan laga raneyn ayey qaateen Hogaanka dawlada Faderaalka soomaaliya

Waxaa in wax la iska waydiiyaa khatar intee la’eg bay u keeni kartaa shacabka soomaaliyeed waa haday . dawlado shisheeye nagu dhex dagaalamaan dalkeena gudihiisa iyadoo kala qaybiyey shacabka soomaaliyeed

sida wadanka Kongo ama sudanta Konforeed oo kale khatar taa ayaa ii muuqata hadaan Caqli wanaagsen aanuu keenin kogaan wanaagsen.

Danjire Mahamed Caalim
caalim68@ hotmail.com



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada