| | 391 views

Xiisad xoogan oo ka taagan duleedka Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in saakay xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Xiisada oo ah mid xoogan ayaa si weyn looga dareemayaa duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana la sheegay in xiisadani ay u dhexeyo laba Maleeshiyo Beeleed oo wada daga halkaasi.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in saakay agagaarka Kismaayo ay ka taagan tahay cabsi xoogan oo ku aadan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi.

Shalay ayey aheyd markii dagaal xoogan uu ka dhacay duleedka Kismaayo, kaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*