| | 401 views

Oromo lagu dilay dalka Jabuuti

Warka laga helayo dalka Jabuuti ayaa sheegaya in 6 Qof oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada Ethiopia lagu dilay gudaha dalkaasi.

Dilka ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel u dhow magaalada Balbala ee dalka Jabuuti, kadib markii Jabuutiyaan caraysan ay weerareen Dukaamo ay Oromadu laheyd oo ku yaallay halkaasi.

 

In ka badan 100 Qof oo kale oo Oromo ah ayaa ku dhaawacmay weerarka oo la sheegay in uu salka  hayo Aano, sida ay sheegtay warbaahinta dalka Ethiopia.

Dhacadadani ayaa imaaneysa, xilli 6-dii bishani Augusto 4 qof oo Jabuutiyan ah lagu dilay magaalaada Diri-Dhabe ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

War ka soo baxay dowladda Jabuuti ayaa si kulul loogu cambaareeyay xiisadani, iyadoono ku tilmaamtay wax laga xumado.

Kumanan Ethiopian ah ayaa bilaabay in ay barakacaan, tan iyo markii xiisadani ay halkaasi ka qaraxday, iyadoona sidoo kale dadka Oromadu ay weli ka cabsi qabaan weeraro kale oo lagu soo qaadi karo marba marka ka dambeysa.

Oromada oo ah Qowmiyadda ugu badan Ethiopia ayaa ku firirsan qaar ka mid ah  dalalka geeska Africa, iyadoona dagaallo dhiig ku daata kula gala Qawmiyadaha kale ee dalalkaasi.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada