| | 412 views

MAQAAL XIISO LEH: JABUUTI MAXAY KA BARAN KARTAA SIYAASADA MAANTA EE GEESKA AFRICA

Gobolka ismaamulka Soomaali Galbeed ee Ethiopia waxaa ku jira saliid Oil iyo Gaas, tasoo Dowlada Ethopia ay siisay shirkad shidaalka soo saarto oo laga leeyahay dalka China. Mushkilada ugu wayn ee hor taagnayd soo saarka oil iyo gaska waxay ahayd laba arin.

a- Nabad galyo la’aan ka jirtay gobolka tasoo ay jireen jabhado hubaysan oo ka soo hor jeeday ama diidanaa inta gobolka siyaasadiisa lagu heshiinin inaan waxba laga soo saarin.

b- waxaa kaloo ayadna mushkilad ka jirtay, hadii la soo saaro dekadii laga dhoofin lahaa.

Ka dib waxaa dhacday, dowladii hore ee Ethopia ay heshiis kula gashay in dalka Jabuuti in ladhiso dhuumaha saliida mara si looga dhoofiyo Jabuuti. Heshiiskii Ethiopia iyo Eritrea wuxuu meesha ka saaray in aan loo baahnayn Degada Jabuuti waayo Ethiopia waxay heshay laba furdadood oo dhisan sida Asab iyo Asmara ugana dhaw Jabuuti ugana jaban.

Arintii hada waxay yeelatay waji kale ka dib Markii ay Dowladda Emaratiga ay qayb ka ahaayeen heshiiska labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea, ayadoo ay jiraan in xiriirkii Jabuuti iyo Emaratiga uu gaaray meel xun.

Hadba waxaa dhacay in Dowladda Emaratiga ay Ethiopia u gudbisay qorsho looga maarmo Jabuuti oo ayada ay dhisto dhuumahii saliida kuna baxaayo 2 billion dollars si dhuumahaas looga dhoofiyo saliidaas Asab Eritrea. Waxaa shalay arinkaas qalinka kuwada duugay Ethiopia Prime Minister Abiy Ahmed and Reem Al Hashimy, the UAE’s state minister for international cooperation.

Tan waxay meesha ka saareeysaa in dhaqaalahii ay Jabuuti ka heli lahayn dhoofinta saliida uu u wareego Eritrea.

Arimahaan oo dhan waxay ku tusaan inay fahmaan Jabuuti, Somaliland, Puntland iyo guud ahaan Soomaalida oo dhan inay muhiim tahay dib u soo noolaynta iyo xoojinta Jamhuuriyadii Soomaaliyeed, waayo ma jiri karto gobolo yar yar oo ka maarmi karo Jamhuuriyada Soomaaliya.

Maanta ma dareentay inaad Jamhuuriyadda u baahan tahay?

Sheikhnor Abucar Qassim





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada