| | 325 views

Shan iyo tobankaani arrin Ma runaa?

1-Dhakhtar waad iibsan kartaa laakin, Caafimaad ma iibsan kartid !.

2- Macallin waad iibsan kartaa laakin, aqoon ma iibsan kartaa !.

3- dhagxaan iyo jooniyaal carraa waad iibsan kartaa laakin, nabadgaliyo ma iibsan kartid !.

4- Xil waad iibsan kartaa laakin,kalsoonida shacabka ma iibsan kartid !.

5- jigjiga waad qabsan kartaa laakin, fekerka gobanima doonka ma qabsan kartid !.

6- guur waad iibsan kartaa laakin, jaceyl ma iibsan kartid !.

7- dadka Afka & Nuurka indhaha waad ka xiri kartaa laakin, nuurka qalbiga kama xiri kartid !.

8- hanti waad urursan kartaa laakin, Hodon nima buuxda ma heli kartid !.

9- Cumri dheer waad ku duceeysan kartaa laakin, Cumri daa’ im ah ma heli kartid !.

10- Hantida waalidkaa waad ka maarmi kartaa laakin, ducadiisa kama maarmi kartid !.

11- Diaspora waad noqon kartaa laakin, dhalkaaga kama maarmi kartid !.

12- Maamul gobaleed waad noqon kartaa laakin, midnimada kama maarmi kartid !.

13- masuul waad noqon kartaa laakin, mucaarad ma inkri kartid !.

14- Gumeeysi waad raaci kartaa laakin, guul kama keeni kartid !.

15- Aniga waad i dhaliili kartaa laakin, in aan dhib u qaato ha iga sugin. ( waad ku mahadsan tahay dhaliishaada, wallaal i saxay ayaad tahay !.

Shan iyo Tobankaani, ma sax baa?

 

Qore: yahya Amir



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*