| | 743 views

Ninkii ka dambeeyay iskudaygii fashilmay Abiy Ahmed oo gacanta lagu dhigay

Afhayeen u hadlay xafiiska Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ninkii ka dambeeyay iskudaygii fashilmay ee lagu khaarajin rabay Abiy Axmed, kaas oo lala beegsaday xilli uu khudbad u jeedinayay kumanaan taageeroyaashiisa ah.

Wararka ka imanaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in gacanta lagu soo dhigay ninkii ka dambeeyay isku daygii dil ee lala beegsaday Ra’iisalwasaare Abiy Axmed 23 June 2018 mar uu khudbad ka jeedinayay fagaare ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Afhayeenka Ciidamada Amaanka dalka Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Tasfaye Arrage oo uu sheegay in uu madax ka ahaa Xafiiska la dagaallanka Argagixisada ee dalka itoobiya, kaas oo la sheegay in uu soo abaabulay isku daygii dil ee Abiye Axmed lala rabay.

Ninka lasoo qabtay ee Tasfaye Arrage ayaa ka mid ahaa xubnihii ugu fir fircoonaa ciidama sirdoonka dalka Itoobiya.

Afhayeenka ayaa sheeegay in Ninkan Sharciga la horgayn doono waxaanu tilmaamay in loo hayo caddaymo xooggan oo ku saabsan in uu faldambiyeedkaa soo abaabulay, islamarkaana ciddii kale ee ku lug lahaydna aan laga hadhi doonin.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii kala shaki baahsani dhex galay ciidamada Itoobiya tan iyo intii uu la wareegay talada dalka Abiy Axmed kaasi oo isku shaandhayn ku sameeyay saraakiisha iyo talisyada ciidamada ee Federaalka Itoobiya.

Danjire Mahamed Caalim

caalim68@hotmail.com



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*