| | 343 views

Maqaal: Cajaladaha Carab, By Hosow

Maalinta aan dhashay illaa aan Turkey ka tago Nov 17, 2005, waxay warbaahinta, macallimiinta, iyo dadka Soomaaliya joogay, iyo kuwa aan ku arkay Masar ay i bareen in ninkaan Mustafa Kamal Ataturk ah uu ahaa cadaw. Waan qaatay wax walba oo aan maqlay.

Nov 18, 2005 wixii ka dambeeyay, waxaan ogaaday in Carabta ay dalkeenna ku leedahay saameyn aad u xoog badan.

Nov 17, 2005 ka hor, waxaan ahaa qof Carab qalbiga ka ah, dadka iiga fiican, aan ku daydo, maahmaahyadooda iyo dhaqankooda jecel, buugaagtooda iyo aqoonyahanadooda ku deyda.

Mahadsanid Turkey, waxay i bartay inaan waddadii dib u dhaca hayay!

Waxaan xusuustaa macallinkayga Carabiga oo i jecliisiyay Masar igu yiri waa dalka ay aqoonyahanada adduunka ugu badan ka aoo baxaan oo ilbaxnimo dhammeeyay. Intaan Masar joogay maba hubsan illeen Soomaaliya way ka roonayd, markii dambe dalkii adduunka inuu nugu fiicnaa la i baray, shacabkiisa 35% waxba ma qoraan waxna ma aqriyaan.

Hassan Adan Hosow





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada