| | 245 views

Soomaaliyeey: Allah aamin iskuna tasho.

1- Haddii aad wax ka sugto Siyaasi aan rabin in aad dhibaatada ka baxdo, ( nin Ku dilay har qaboow kuguma jiido). Siyaasiga aan wadaniga aheyna, ma ogolo in aad la harsato daladiisa. F.S : 1aad.

2- Ajnabiga dhargay ma ogola in aad miiska Qadada la soo fadhiisato, wixii ka haro ayuu mucaawino kuugu keenayaa,( calool dhargan calool baahan Kama naxdo). Ka kac jiifka miiskaagana Ku qadeey, tuugsigu waa dulinimo, tuugsina faqri loogama baxo.F.S: 2aad.

3-Inta jeebkaaga iyo Calooshaada ka maqanu waxa ay Ku jirtaa jeebka iyo Caloosha masuulka aan iimaanka leheeyn.F.S: 3aad.

4- Dadka qaar waxa ay jecelyihiin, in ay dhageeysaan qofka beenta u sheegayo, kana fogaadaan kan runta uga sheegayo xaalada dalkooda, Aduunkooda & Aakharadooda. F.S: 4aad.

Afartaas iga sax.

F.G: Somaalida aan arrimahooda SIYAASADDA daneeyn, waxaa xakumi doona SIYAASI aan arrmaha Somaalinimada daneeyn.

Wixii iga khaldan iga Sax, arragtidaada xur ayaad u tahay.

Qore: yahya Amir



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*