| | 481 views

Wiil Muqdisho lagu dilay oo loo dhigay dibad bax iyo baroor diiq aan caadi aheyn

Boqolaal dadweyne ah ayaa saakay isugu soo baxay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo iyagu ka baroor diiqayay wiil aqoonyahan ah oo dhowaan lagu dilay inta u dhaxeysa isbitaalada Digfeer iyo Banaadir.

Wiilkaan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh Cali oo uu dhalay taliyaha ciidamada Cirka Soomaaliya ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay nin ku hubeysan qoriga AKE47, kaasi oo marxuumka ku dhuftay xabado darandoori ah isagoona goobtaasi ku geeriyooday.

Dadweynaha ka qeyb galay baroor diiqda ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin “Maxaa loo dilay Maxamed?” iyo ereyo kale oo luqadda Ingiriiska ku qornaa.

Allaha u naxariistee Maxamed Sheekh Cali ayaa ka mid ahaa aqoonyahanada dhallinyarada ah ee magaalada Muqdisho ka hirgeliyay goobo ganacsi oo casri ah isla markaana ka mid ahaa dhallinyarada qurba joogta ee dalka dib ugu soo laabtay.

Baroor diiqdaan aan caadiga ahayn ayay dadweynaha ku dalbadeen in cadaaladda la hor keeno kuwii ka dambeeyay dilka Allaha u naxariistee Maxamed Sheekh Cali, iyagoona sheegay in haddii aanay taasi dhicin la dili doono dhallinyaro aqoonyahano la mid ah isaga.

Dhinaca kale dibad baxyada baroor diiqda ah oo saacadba saacadda ka dambeysa ay ku sii badanayeen dadweynaha ka qeyb qaadanaya, ayaa waxay socod ku tageen goobtii lagu dilay marxuumka, iyadoo dhaqdhaqaaqyada noocaan ah ee looga horjeedo dilalka qorsheysan ee Muqdisho ka dhaca noociisa oo kale aanu horay u dhicin.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada