| | 402 views

Soomaaliya: Wadan sii shuuqaya.

Su’aashii iigu adkeeyd maanta ayaa ahayd, markii wiilkeyga Caamir Yahya uu ii keenay Map- kan, ina weydiiyay. Maxaa wadankeena sii yareeynaya?

Waxaan ku iri:

Isticmaarkii Reer galbeedku intii uuna Magaalada Barlin Ku kala qaybsan Africa sannadkii 1884tii, waxaa ka horeeyay sahan ay soo direen 31 sanno ka hor sannadkii 1853 dii, war bixintoodii waxaa ka mid ahaa Map-kan dhulka somalida oo ay Ku qoreen ( Somauli country) dalkii Somalida, oo ahaa laga soo bilaabo bartamaha eriterya ,bartamaha etobiya, dhinaca xeebta waxa Ku jira Mambasa ,zinzibar illaa bartamaha Tanzania.

Dadka kaliya oo sahankoodii ay kula kulmeen waxa ay ahaayeen,wadaado suufiya Somaaliya ah oo calama wato oo dhulkaa xakumayay siina fidayay, iyo Somali ka ganacsata Adoonta.FG: ( horaan FB-ga uga soo hadlay doodii dhax martay gen. xussein kulmiye iyo madaxweynihii kenya iyo diplomasiyiin reer galbeed ah,ee kulmiye lagu yiri: in sad leedihiin Mambasa ha u sheegin Siyad Bare ).

Sannadkii 1884 isticmaarku waxa uu Ku heshiiyay in fiditaanka somalida la xakameeyo, lana qariyo taariikhdooda, waxaana lagu reebay oo loo aqoonsaday 5 ta Somali oo qaybsan, laguna qanciyay.

Markii lagaaray sannadkii loo yaqiin sannadkii xuriyada Africa 1960kii waxaa laga dooday in la israaciyo 5ta Somali, laakin taasi ma dhicin, 2 ba kaliya ayaa la israaciyay, maxaa xigay labadii ayaa la sii kala jaray, waxaana loo sii kala qaybiyay, States federaal ah, si gobalo loogu sii qaybiyo.

Waxaan ka baqaa in laga soo reebo, hal xaafad oo Somalia la yiraa!!!.

Waxa uu igu yiri: Aabe sideen u soo ceshan karnaa dhulkeenii isticmaarka ka hor?

Waxaan ku iri: aan weeydiiyo saaxiibadeyda FB -ga. Qaarkood quusta waxa ay ka qaareen halkii isticmaarku la rabay, qaarna weligoodba ma arag Map-kaan ,mana maqal taariikhda.

Wiilkeeyga Caamir waxa uu idinka sugaa Jawaab.

Qore: Yahya Amir





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada