| | 776 views

Xubno matalaya Soomaaliya oo loo magacaabay maamulka tartanka CECAFA ee ka dhacaya Tanzania

Sadex masuul oo ka socda dalka Soomaaliya oo kala ah: Cali Maxamed Axmed, Shaafici Islaw iyo Caamir Cabdi Xasan ayaa ku jira liiska maanta lasoo saaray ee guddiga maamulka cayaaraha CECAFA-CAF U-17 ee bisha dambe ka dhacaya dalka Tanzania.

Cayaarahan oo ah heer CAF ayaa waxaa ku loolami doona wadamada ku jira ururka kubada cagta bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA, waxaana lagu marti gelin doonaa dalka Tanzania.

Masuuliyiinta ka socota Soomaaliya oo muddo dheer kasoo qeyb qaatay maamulida cayaaro badan oo caalami ah ayaa mid kasta wuxuu qaabilsanaan doonaa shaqo gaar ah, waxaana ay ka mid yihiin 25 xubnood oo ururka kubada cagta Africa ee CAF uu usoo xulay in ay cayaarahaasi maamulaan.

Caamir Cabdi Xasan ayaa ah isu duwanaha guud ee tartanka, Shaafici Muxuyadiin Islaw, waxaa uu masuul ka yahay xafiiska warfaafinta halka Cali Maxamed Axmed uu yahay madaxa garsoorayaasha tartanka.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*