| | 274 views

Sarkaalkii u qaabilsanaa Daacish duubista Muuqaallada iyo Qaraxyada oo la horgeeyay Maxkamadda Ciidamada QS.

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa la horgeeyay Jaamac Xuseen Xasan,oo loo heysto inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish.

Sarkaalkaan ayaa loo jeediyay eedda ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer ilaalinta ee ka koobneyd xilliyadii uu ku soo qaatay Alshabaab iyo Daacish uu ka tirsanaa ilaa 2013 ka hor inta uusan soo gelin gacant Ciidamada Amniga oo lagu soo qabtay isagoo ku jiro aasidda miino meel bood ah fadhi ay ku leeyihiin bar kontrool ee ah halka loo yaqaano boo-boodka ee degmada afgooye ee gobalka Sh/Hoose taariikhda markey aheyd 18/04/2018.

Guddoomiayah Maxkamadda D, 1-aad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa weydiiyay Jaamac Xuseen Xasan jiritaanka dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in kale.

Wuxuuna qirtay eedeysanaha Dembiyada lagu soooogay ee ah ka mid ahaanshiyaha Al-Shabab iyo Daacish,balse isku deygiisii ugu horreeyay la soo qabtay isagoo gacanta kula jiro dambi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa kiiskan ku mashquulsanaa tan iyo markii la soo qabatay ilaa 17/05-16/07 ee sanadkan waxa ayna Intaas keddib xafiiska xeer ilaalinta garsorayaasha weydiisteen in loo ogolaado Maxkamadda inay hor keeneen caddeymo ay ka mid yihiin qiraalKa eedeysanah, markaatiyaal ay ka mid yihiin ciidamada amniga ee degmada afgo’e ka soo qabtay eedeysanaha, muuqaallo laga helay gurigiisa sida Camero ay ku duubi jireen falalka argagixisada ah ee ay geystaan iyo agab dheeraad ah sida fiilooyin batariyaal iyo qalab kale oo loo isticmaalo wax yaabaha qarxa.

Dhanka kale sharaxaadda baaritaanka eedeysanaha ayaa waxa ku dheeraaday G/lle Abuukar Wali oo ka tirsan ciidamada amniga gaar ahaan qeybta dambi baarista, ayaa sheegay fadhiga Maxkamadda inay ku ogaadeen arrimo ay ka mid yihiin dilal uu ka geystay Boosaaso, dagaallo uu ka qeyb galay ee ka dhacay goballada bari ee maamulka Puntland iyo arrimo kale oo la xiriira dhibaatooyinka ay geysteen .

Kabtan Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha guuud ee ciidamada qlabka sida ayaa fadhiga maxkamadda ka hor sharaxay cadeymaha la taaban karo oo isugu jiray muuqaallo iyo agab kale, waxaana daawashada muuqaaladaasi ka muuqday falal argagax leh oo ah muuqaallo laga dhex heley camirada lagu soo qabtay eedeysanaha.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Kaptan Maxamed Cabduqaadir ayaa ka codsaday maxkmadda maadamaa eedeysanaha muddo uu ku qanacsanaa dadinta dhigga in la mid ah inta uu geystay ay ku fuliso maxkamddda.

Ugu Dambayntii Guddoomiyaha Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada Qalaabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkmadda, wuxuuna u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in go’aanka ay dib ka soo saari doonaan.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada