| | 380 views

Jawaabo waafi ah oo xigmado Ku jirto

1. Boqor ka mid ahaa kuwii Umawiyiinta ayaa waxaa hortiisa fariistay nin reer miyi ah oo cagihii xaggiisa u soo dhereriyey. Boqorku ma jeclayn in cagaha xaggiisa la soo aaddiyo. Wuxuu yiri “Maxaad ugu fariisanaysaa sida naagaha xunxun (dhillooyinka)?” Ninkii ayaa ku jawaabey: ” Boqorow illeyn waa taqaannaa siday u fariistaan!”

2. Shiikh Cumar Faaruuq ayaa qolo ku tiri shiikhoow qofka masjidka dhagaxa u horreeya dhigaya shardi miyaa in aanu weligiis dembi (sino) ka dhicin? Wuxuu yiri shardiga keliya ee laga rabo waa inuu yahay injineer dhismaha yaqaan.

3. Shikh Abuu Xaniifa ayaa nin ku yiri shiikhoow markaan webiga ku qubeysanayo, inaan qiblada u jeesto shardi miyaa? Shiikhii wuxuu yiri “Maryahaaga meeshaad dhigatay u jeeso yaan lagaa xadine!”

4. Xildhibaanad la oran jirey Bessie Braddock ayaa ku tiri ra’iisul wasaarihii Ingiriiska Churchill “Waad sarkhaansan tahay!” Wuxuu yiri “Waan sarkhaansanahay laakiin sarkhaanimadu subixii way iga baxaysaa laakiin adigu hadda waad foolxun tahay subixiina foolxumadu kaa bixi mayso!”

5. Xildhibaanad kale oo la oran jirey Nancy Astor ayaa ku tiri Churchill “haddaan xaaskaaga ahaan lahaa, qaxwaha ayaan sun kuugu shubi lahaa. Wuxuu yiri “Haddaan ninkaaga ahaan lahaa waan cabbi lahaa!” (Yacni inaan nin kuu noqdo dhimashaa dhaanta)

6. Shiikh la oran jirey Abuu Caamir Al Shacbi ayaa waxaa u yimi nin gar weyn leh. wuxuu yiri shiikhoow markaan weeseysanayo sidee garka biyaha u gaarsiiyaa? Shiikhii wuxuu yiri gacanta oo qoyan dusha ka mari. Wuxuu yiri iguma filna. Shiikhii wuxuu yiri hadaba gacanta oo qoyan dhex gelgeli. Wuxuu yiri iguma filna. Shiikhii wuxuu yiri “Haddaba habeenkii markaad seexanayso garkaaga weel biyo ah ku sii dhex rido ilaa subixii!”





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada