| | 520 views

Soomaalidu ma qabtaa dhaqan ah qof aan qabiilkeyga ahayn oo xil u qooqaaya ma arki karo?=Nasashada Jimcaha.Q- 105 aad=.

1-Oday Farax oo Jimca dhowr ahaa oo Rabay in uu xaaskiisa la baashaalo, ayaa waxaa fursad u diiday wiil yar oo uu dhalay. Wiilkii intuu 10$ siiyay ayuu ku yiri: bax oo caawa u hoyo guriga Adeer, iguna salaam.

Hal saac kadib odaygii oo baashaal fiican ku jira, ayaa wiilkii Irida soo garaacay. Oday faarax oo xanaaqsan Bargona ah ayaa ku yiri: Maxaa ku soo celiyay?. Wuxuu yiri: Adeer ayaa i soo siiyay 20$ waxa uuna igu yiri: Aabe igu salaam, kuna dheh Magaaladu waa wada jimceysan tahay. Hooyadii oo iyana ka carootay wiilka soo noqoshadiisa ayaa tiri: wiilkan, reer Aabihii waan ku aqiin, caruur naceybka, ma saacadan ayaa waqti ciyaalka la soo eryo ah. War 30$ sii ee Abtigii ha la soo hoydo caawa hana nagu salaamo.

(Somaaliyey, Haddii carab danley ahi na tiraa 10$ qaata ee EU aada, EUna 20$ na soo siiso oo na tiraa noqda. Kadibna 30$ nala siiyo ee la yiraa Abtigiin aada .kumuu noqonayaa Abtiga aan aadi doono?)

2-Libaax ayaa isagu yeeray Duur joogta oo dhan kuna yiri: Duur joogeey inta quruxda badan dhinaca Midig ha u baxdo, safna ha galeen. Inta xoogga bandanna dhinaca bidix ha safteen.

Daanyeer ayaa intuu soo orday dhaxda istaagay. Labaax ayaa ku qayliyay oo ku yiri: Miyaadan maqal hadalkeeyga, laba saf oo kaliya ayaa lagu kala biirayaa, Quruxley iyo Xoogley. Daanyeerkii ayaa ku yiri: Mudane maxaan sameeyaa ma Labo ayaan isku qaybiyaa.

Tii ka raacday Daanyeerkii Mowqif xumidiisa waa la ogaa. ( Fiiri Sawirada 1 & 2aad)

( Haddii la yiraa Dowladuhu ha u kala safteen wadamada haysta hubka halista ah & kuwa dhinaca warshadaha hore ugu maray. Somalidu ma dhinac ayey raacee?,mise dhaxda ayeey istaagee?, mise waxa ay aaminsantahay in ay ka mid noqon karto Labadaba…..Somali Booto, yaan ku saf nahay, Carab, Afrikaan, taajir , faqiir……,….,…..mise, maba naqaan safkeena)

3- Ali Maseyr oo ka yimid oo Tuuladiisii oo laga soo eryay markii Dad iyo Duunyo intoodii LAB-ka aheyd ay ka nabad gali waayeen, ayaa markii uu magaalada soo galay waxaa uu arakay Diiq, dhoora dul saaran oo kudaya, ul weeyn uu watay ayuu ku dhuftay, dhiiqiina waa orday, odaygii 3 saac markuu diiqii eryanay ayuu daalay oo iska fadhiistay.

Dadkii oo la yaabanaa ayaa ku yiri: war muxuu diiqu kaa halkeeyay? Waxa uu yiri: waxba igama haleyn, ee dabo aan dabadeeyda aheyn oo dumar ka dul nuuxnuuxsee ma arki karo. ( F.S: 3aad)

( Soomaalidu ma qabtaa dhaqan ah qof aan qabiilkeyga aheeyn oo xil u qooqaaya ma arki karo? Taa hala bedelo intaan sidii Cali maseeyr loo daalin, dooradiina ayna ukun La’aani ku dhicin) ( F.S: 4aad)

4-Nin Taxi-le ah ayaa waxaa Taxigii u soo raacday naag qaawan oo haba yaraatee wax dhar ah aan wadan, sidii hooyadeed u dhashay. Naagtii ayaa waxa ay aragtay ninkii Taxi-laha ahaa, oo aad u fiirinaya. Waxa ay ku tiri: war doqonyohoow maxaad saan iigu fiirinee, miyaadan weligaa arag Naag qaawan? Waxa uu yiri : waan arkay, ee waxaan la yaabanahay, lacagta kirada ee aad i siin doonta jeebka aad ka soo bixi doonto.( F.S:5aad)

( Haddii ganacsatadii suuqii ka xiran yahay, shacabkiina wadadii ka xiran tahay, waxaan la yaabanahay, Mushaarka la i siin doono, jeebkee laga soo bixin doonaa!!).

5-Naag ayaa ninkeeda ku tiri gacaliye soo xirxir dhammaan albaabada iyo dariishadaha guriga, markii ay sariirta tageen ayey buuq iyo sheeko aan loo baahnayn ku furtay, markii uu dhibsaday ayuu ku yiri: waan seexanaa ee dooda iga dhaaf, markaa ayey ku tiri: Gacaliye ma soo xirtay dhammaan albaabada wuxuu yiri: Haa, waan soo wada xiray intaan Afkaaga ka ahayn.

( Haddii wasiirka warfaafintu ku yiraa: Media oo dhan waan soo wada xiray, laakin Facebook yaa aamusinaa? Maxaad ugu jawaabi laheyd)

6-Haweeney ayaa u baahatay culumo Quraan “subac soon” ah u akhriso, waxa ay u yeertay 7dii wadaad ee Tuulada ugu caansaneed. Laakin 7da wadaad midba Hal Jalaad oo kaliya ayuu yaqaan, kuma jiro mid kan kale u toosi karo hadduu gafo Aayada, Ninba tajwiidkii uu doono ayuu ku aqriyay. Haweemeydii ayaa la yaabtay oo tiri: war kuwani isku culuma miyeeynan aheeyn, mid kan kale ku Qiraa’a ah kuma jiro. 7 dan wadaad midba jalaadkiisa miyuu gooni ula jeestay, miyaan magac culumo ka dhexeeyn. Aga, Aga , ma sida 7dii Madaxweyne ee shirkii Brussels ka qayb galaybaa.

FG: Maanata waxaan u maleynayaa in aan soo hormariyay NJ, waxaan joogaa meel maalintu 20 saacadood ka badantahay, habeenkuna 4 saac ka yaryahay, oo lagu leeyahay aan isku nimaado “Caawa Duhurkii” qumu laylkii ayaa qoraxdu soo jeedaa. Hormarinta Qoraalka ka raali ahaada.

Qore: Yahya Amir.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada