| | 342 views

Madaxweynaha JFS oo Brussels kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan gaar ah magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kula qaatay siyaasiyiin uu ka mid yahay Feysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Soomaaliland ee UCID iyo madaxweynihii hore ee maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr.

Feysal Cali Waraabe oo Warbaahinta faah faahin ka siiyay kulankaasi ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay isla soo qaadeen arrimo ay ka mid yihiin in laga wada shaqeeyo horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ay ka wada hadleen arrimo ku aadan xiisadaha colaadeed ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee G/ Sool, una sheegeen Madaxweyne Farmaajo in uu ku lug leeyahay dagaalkaasi, balse uu wacad ku maray in wax talo ah uusan laheyn dagaalkaasi.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*