| | 565 views

Wenger: “Hadii Aan Noqdo Madaxweynaha France Waxaan Waajib Ka Dhigi lahaa…

Tababarihii hore ee naadiga kubadda cagta Arsenal, iyo kooxo kale oo badan, ninka lagu magacaabo Arsena Wenger ayaa shaaca ka qaaday inuu rajeynayo inuu kusoo biiro saxaadda siyaasadda.

Wenger oo hadda ku nool wadanka Faransiiska oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo ayaa tilmaamay inuu filayo in marka uu noqdo Madaxweyne uu waajib ka dhigo in meel walba lagu dheelo Banooni.

Hadalkaan ayuu Wenger sheegay xili uu wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanayay siiyay Idaacad maxali ah oo ku taala caasimadda wadanka Faransiiska xalay oo Talaado ahayd.

“Waxaan soo saari lahaa inaan waajib ka dhigo kubadda cagta,” ayuu Wenger ku jawaabay mar la weydiiyay sharciga uu meel-marin lahaa, hadii uu Madaxweyne France noqdo.

“Meel walba, dabcan oo kamid ah Faransiiska waxaan waajib ka dhigi lahaa in la dheelo kubadda cagta,” ayuu xusay.

“Xitaa waxaan arki lahaa in lagu dheelo Goobaha waxbrashadda, sida Iskuuladda,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, maamulihii hore ee naadiga kubadda cagta Arsenal ee Arsena Wenger.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada