| | 337 views

Yaa Diidan Dowladnimada Sharciga Iyo Nidaamka

“Daraasad seddex sanadood socotey, ayuu gunaanadkeedu noqdey Soomaaliya waxaa ka jira kooxo Maafiya ah”

Dadka Soomaaliyeed waxey inta badan xusaan in ey laba arrimood ka hortaaganyihiin in ey soo noqoto Dowladnimo iyo sharci iyo nidaam, kuwaas oo ah:-
1- Muran Qabiil, iyo
2- Muran Diineed

Daraasaddan oo ah mid soo socotey seddex Sano (2015-2017) laguna sameeyey Dalka gudihiisa iyo Dibaddiisaba, ayaa waxey cadeysey in eysan caqabad ku aheyn labadaas arrimood ee kor ku xusan in la gaaro dowladnimo iyo sharci iyo nidaam, balse ey labada Muranba ey yihiin kaliya marin habaabin iyo iska sii jeedin indhaha bulshada iyo tan dowladdaba.

Sida ey cadeysey Daraasaddan, Soomaaliya waxaa ka jira oo lugooyo ku ah waa kooxo Maafiya ah, oo uu fekirkoodu yahey kaligiin hantiya ila walboo dhaqaale ah oo ka suuroobaya dalkaan, shacabka awoodi kara iney maalgashi iyaguna sameeyaan oo aan idinka tirsaneynna ha lagu rido argagax iyo cabsigelin si eysan uguba soo dhiiran.

Kooxahaas qabiil iyo diin midnaba dan kama leh, haddana isla iyagaa ka dhexwada ummadda oo maalgeliya iney marwalba taagnaadaan labadan Muran (Muran Qabiil iyo Muran Diineed), si eysan bulshadu uba helin fursad ey wax labadaas ka baxsan eyba uga hadlaan, wax iska weydiiyaan, ka sheekeystaan, ama ey daraasad iyo dabagal toona ku sameyaan, sidaasna ey Maafiyada marwalba ugu suurtagasho iney si fudud ugu fulaan qorshahooda.

Waxey Daraasaddan xaqiijisey in 99.99% ee ah bulshada Soomaaliyeed u heelanyihiin Soomaaliya oo gaarta dowladnimo iyo sharci iyo nidaam, waxeyna intooda badan ey xitaa ku haminayaan in la gaaro Shanta Soomaaliyeed oo mideysan oo hal dowlad ah, sidoo kale waxey bulshadu aad u neceen qabiileysi iyo kooxeysi diineed, hadana 0.01% ee ah ama ku xiran kooxaha Maafiyada ayaa waxey weli ku guuleysanayaan qorshahooda ah:-

1- In aan abid la gaarin dowladnimo iyo sharci iyo nidaam lagu dhaqmo
2- In niyad jab iyo argagax lagu beero shaqsi kasta oo Soomaaliyeed oo raba, isla markaana dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba awooda, inuu Dalkiisa maalgashi ka sameeyo Kuna noolaado
3- In qabiil iyo qabyaalad iyo fikrad diineed ah been la qurxiyey la baahiyo maalin walba si ey u noqdaan mowduuca kaliya ee ey bulshadu ka sheekeysato kana doodo.

Wadada ka xoreynta Maafiyada Dalkeena, waxey daraasaddan ku soo talo jeedisey:-

1- In bulshada lagu wacyigaliyo kooxaha Maafiyada ah iyo xeeladahooda
2- In la dhiirigeliyo lagana hortago xeeladaha ey u adeegsadaan niyad jabinta bulshada caafimaadka qabta
3- In si hoose loola socdo dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha Maafiyada
4- In loo abuuro bulshada mowduucyo muhiim ah oo ey ku sheekeystaan kana doodaan, si ey uga maarmaan tan ey Maafiyadu u diyaariso ee ah labadaas Muran (Qabiil iyo Diin) ee ey u adeegsadaan si ey isaga mashquuliyaan indhaha iyo dhegaha bulshada iyo dowladdaba
5- In ey dowladdu doorkeeda ku lahaato la socodka iyo ilaalinta habsami u fulinta shuruucda milkiyadda iyo maalgashiga Dalka

Waxaan rajeynayaa in ey waxgaradka Soomaaliyeed ey ra’yigooda ka dhiibtaan, kuna soo biiriyaan afkaartooda inshaAllah





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada