| | 301 views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Booqday Safaarada Soomaaliya ee Magalada Brussels.

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay dhismaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Magaalada Brussels.

Wasiirka ayaa Booqasho uu ku tagay Safaaradda Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliyay Safiirka Soomaaliya ee Biljimka, Holland, Luxembourg iyo Midowga Yurub Mudane Dr. Cali Siciid Faqi.

Dhankakale mudadii lagu jiray booqashada, Wasiirka waxa uu xog waran ka dhageystay Danjiraha Midowga Yurub Mudane Dr.Cali Siciid Faqi oo Wasiirka ugu xog waramay howlaha ka socda Safaaradda iyo adeegga ay u qabato jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ku dhaqan dalkaasi.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada