| | 511 views

Maqaal: Hab dhaqanka Gaas ee Brussels ma aha mid ugub ah

Madaxweyne Gaas oo horey u sariftey Puntland maqaamkeedii siyaasadeed iyo danaheedii kale ayaa ugu dambeyn golihii maamulada #Somalia ee uu gudoomiyaha ka ahaa waxaa si duuduub ah ugu iibsadey garoonka diyaardaha Brusssels iyo shirka Belgium ka socda.

Gaas waxaa uu awoodi waayey inuu is-barbartaago wafdigii Jubaland ka socdey oo ay isku diyaarad saarnaayeen uuna isku albaab kala baxo markii Protocol-kii xumo loogu talagaley ay kaga dhacdey garoonka diyaardaha Brussels.

Waxaa dhacdey In Madaxwyne Gaas habeenkii inta uusan shirka furmin uu la kulmay wafdiga Jubaland oo ka careysnaa sidii loola dhaqmey kuwasoo ay u sheegeen inta xaalkaan taagan yahay aysan shirka furitaankiisa ka qayb galeen. Waxaa uu u balan qaadey in subaxii arinkaas ka dagalamayaan isaga iyo madaxda kale ee maamulada balse sidii ay u sugayeen Facebook live ka arkeen isagoo khudbo ka akhriyaya firitaanka shirka.

Waxan fahmi waayey macnaha kalmada gudoomiye ay leedahay mar hadii aadan awoodi karin Inaad “Protest” ama diidmo ka sameyso hab dhaqan lagula kacey mid kamid ah maamulada golaha aad magacooda ku fadhido madasha shirka.

# Anaga Reer Puntland waan naqaaney Gaas in uusan isku haleyn iyo qadiyad difaacid laheyn dantiisu gaarka ah ka hormariyo midda guud balse Soomaalida kale markaan ha nala nala aragto.

#Raali galin baan ka bixineynaa hab-dhaqanka Gaas ee Brussels hadaan nahay Reer Puntland.

Mahamed Abdirahman Farole



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*