| | 433 views

Xulka France oo ku guulaystay Koobka Aduunka,markii ay guul 4-2 ah ka gaareen Xulka Croatia.

Xulka Kubadda Cagta ee France ayaa markii labaad taariikhda ku guuleystay koobka adduunka markii ay guul 4-2 ah ka gaareen Xulka Croatia.

Cayaarta ayaa lagu kala nastay qeybta hore 2-1 oo ay ku hogaamineyo xulka France, iyadoo daqiiqadii hore ee Fiyaarta qaranka Croatia ayaa soo bandhigay cayaar cajiib ah,balse waxaa kulanka goolka kowaad ku daah furay France markii kubbad laad xor ah oo loo dhigay uu goolkiisa ka dhaliyay laacibka Mario Mandzukic waxaana kubbada soo karoosay Antoine Griezmann.

Waxaa toban daqiiqo kadib yimid goolka barbaraha xulka Croatia waxaan darbad xoogan goolka ku hubsaday Ivan Perisic daqiqiadii 28-aad ee Ciyaarta.

Xilli ay ka harsan tahay Ciyaarta qeybta kowaad 7 daqiiqoo xulka France ayaa helay rigoore lagu xaqiijiyay aalada VAR markii kubbad laga soo tuuray geeska laadka uu gacan ku taabay dhaliyaha goolka Croatia Ivan Perisic waxaan gool u badalay Antoine Griezmann.

Markii la soo laabtay kaambiyaha dambe labada xul ayaa soo bandhigay cayaar wanaagsan France ayaa la timid goolkooda seddexaad ee dheesha waxaan kubbad uu banaanka goolka ka soo tuuray shabada dul dhigay Paul Pogba daqiiqadii 59-aad, waxaana hoolka 4-aad dhaliyay 5-daqiiqo kadib Ciyaaryahan Kylian Mbappe.

Ugu dambayntii Croatia ayaa heshay goolkooda labaad kadib kubbad uu si qaldan u gooyay goolhayaha France Hugo Lloris waxaana u dhaliyay Mario Mandzukic, wuxuuna Xulka France uu noqday Horyaalka adduunka 2018.

 





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada