| | 302 views

Xulka Belgium oo 2-0 uga adkaaday Xulka England+Sawiro

Ciyaara labada xul Belgium iyo England ayaa ahayd mid aad u kulul, iyadoo laba gool oo ay labada qeyb ee ciyaarta kala dhaliyeen Eden Hazard iyo Thomas Meunier ayaa ka dhigay natiijada kulankaas inay xulka Red Devils ku badiyaan 2-0, waxeyna sidaas ku noqdeen xulka kaalinta saddexaad ka gala koobka Adduunka.

Thomas Meunier wuxuu noqday ciyaariyahanka 10-aad ee kala duwan kaas oo qaranka Belgium gool u dhaliya koobka Adduunka, sidaas darteed waxey rikoorkaas kula biirayaan wadamada France iyo Italy oo sidoo kale min 10-xiddig goolal ka helay koobkii Adduunka 1986 iyo 2006.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si adag iyadoo labada xul ay ciyaareen kubad aad loo jecleysto, Meunier ayaana bilaabay bandhigga goolasha qaranka Belgium kadib markii uu daqiiqadii 4-aad ee ciyaarta shabaqa soo taabtay isagoo caawin ka helay Nacer Chadli.

Mar kale ayey qeybtii labaad gool heleen Belgium waxaana shabaqa soo taabsiiyay Eden Hazard, xiddiga Citizens Kevin de Bruyne ayaa si fiican kubad u siiyay kabtankiisa kaas oo isna si qurux badan u dhameystiray.

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0, oo ay guusha ku raacday Belgium, sidaas darteed xulka Red Devils lagu naaneeso ayaa noqday kan saddexaad ee ugu wanaagsan dunida halka England ay noqdeen xulka afaraad.

 



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*