| | 1,104 views

Dowladda Soomaaliya oo Midiwga Yurub u gudbisay liiska Dowlad diidka ee Yurub degen…

Dowlada Somalia ayaa Midowga yurub u gudbinaysa liiska Xubno Somali ah oo ku nool Qaarada Yurub kuwaas oo qayb weyna ka qaata Xasilooni darada ka jirta Wadanka, Sidey sheegtay.

Dowlada waxay midowga yurub u sheegtay in dadkaas ay qatar ku yihiin amniga Somalia sido kalena ay qatar ku noqon karaan mustaqbalka dhow aminiga wadamada ay ku nool yihiin ee ku yaala Midowga Yurub.

 

Wararaku waxay intaasi ku darayan in codsiga Dowlada ay qayb ka yihiin in dadka ku jira liiska ay Dowlada Somalia so gudbin doonto laga qaado ama lagala noqdo sharciyada ay ku leeyihiin wadamada Midowga Yurub islamarkana dib logu so celiyo wadanka Somalia.

Qorshaha cusub ee Dowlada Somalia ay kula dagaalamayso dadka Ay ku tilmaamtay nabad diidka oo u muuqda Kuwa qurbaha ka soo mucaarada ee ku nool Qaaradda Yurub ayaa waxa uu sameyn doonaa wadamada Holland ,Beljamka,Norway Sweadan, Denmark, UK, Finland, Germalka, Italiya, France, iyo wado kale oo badan.

Lama Oga EU sidey arintaan Oga Falcelin doonto, Balse Dowladihii kala danbeeyay ee Soomaaliya ayaa Mucaaradad adag ka wajahayay Baraha bulshada oo ay adeegsanayeen dad Somaliyed oo dalka dibadiisa ku sugan.

Source:- Yusuf Abdi Shire

 



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*