| | 418 views

Maxaad ka xasuusataa xasuuqii Diyaaradaha Maraykanka 12-kii July 1993

Diyaaradaha Maraykanka ayaa 12-kii July 1993 duqeyn ku bartilmaameedsaday guri uu daganaa Xoghayihii Arimaha Gudha ee USC/SNA Md Abdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ay ku shirayeen qaar ka mid ahaa Siyaasiyiintii & taageerayaashii AUN General Maxamed Faarax Caydiid.

Waxaa Ciidamada Mareykanku horkacayay lagu soo siiyay warbixin in Shirka uu ku jiro Jan Ceydiid,balse waxay qadarta Alle duqeynta bilaabeen inta aanui Guriga soo gaarin Oo waxaa la ii sheegay in Jan Ceydiid uu ka laabtay Tarabuunka marka ay duqeyntu bilaabatay.

Maalintaan goob joog baan u ahaa waxaana ku sugnaa darbiga Sheneemo Nasar ama EX Isgoyska Digfeer oo aan sidaa uga fogeyn guriga duqeyntu ka dhacday iyadoo ay saacado badan na rasaaseynayeen ciidamada Mareykanka oo watay diyaaradaha Copra,Abaja, Elcoptarada Ciidamada xambaara iyo AC-130 oo dusha sare heehaabeysay.waxayna nagu garaaceen Bambooyin dheemash ah oo dhawaaq weyn si ay shacabka ugu kala eryaan.

waxaana dagaalka sii daba dheereeyay markii Isgoyska Digfeer lagu dilay 3 Journalist oo labo Kenyati aheyd midna cadaan ahaa oo duqeyntu markey dhacdayba goobta soo gaaray balse dhalinyaro careysani rasaas ku furtay iyadoo ay diyaaraduhu doonayeen inay Meydka qaataan dadkuna ay u diidanaayeen inkastoo markii dambe ay diyaarad Elecopter ah oo soo dagtay ay qaaday Meydkii.

intii ku dhimatay dhacdadaan gardarada aheyd oo Ehel & Sxb iyo Soomaaliba lahaa Allaha u naxariisto Aamiin Aamiin

Abdulqadir Farah Dulyar



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada