| | 324 views

Xarun Al-shabaab ay ku tababarayeen Dhalin yarada ah oo duqeyn lala beegsaday

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe, ayaa  sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo  la beegsadeen saldhig dagaalamayaasha  Al-shabaab ay ku leeyihiin Tuulado lagu magacaabo Xasan Kuusow oo ka tirsan gobolka jubada dhexe.

Dadka degaanka ayaa KNN u sheegay in Tuulada Xasan Kuusow oo Duqeyntan ka dhacay ay u  dhaxeyso Degaanada Jawaari iyo Raaxoole oo ka tirsan  Jubbada Dhexe.

Ilaa iyo hada inta ogyahay hal gaari oo xamuul ah,ayaa goobtaasi ku baa’bay,iyadoona halka la duqeeyay ay tahay xarun ay dagaalamayasha Al-Shabaab wax ku barayeen dhalin yarada  degaanka ee degan tuulada Xasan Kuusow.

Diyaaradaha duqeynta geystay ayaa waxaa la sheegay in laga leeyahay dalka Kenya.

Hayeeshee Dowlada Kenya weli kama hadlin duqeynta ka dhacday tuulada Xasan Kuusow ee gobalka Jubada dhexe.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada