| | 500 views

Rabshado, dilal iyo Qaraxyo ka dhacay Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho.

Rasaas ay maanta fureen Ciidamada Dowladda ayaa la soo sheegayaa inay ka dhasheen isku dhacyo maanta ka dhacay Xaafadda suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.

2 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 10 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray shaqaaqo maanta ka dhacday Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa iyadoo markii dambe ay isku badashay Banaanbax fowda wata.

Rabshadaha halkaasi ka jira ayaa ku bilowday kadib markii rasaas ay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ku fureen Dad Shacab ah oo ku sugnaa suuq aad u mashquul badan oo ku yaala meel u dhaw Bosteejada Suuqa Xoolaha taas oo sababtay dhimashada 2 qof iyo dhaawac 4 kale.

Wixii intaasi ka dambeyay dadweyne careysan ayaa bilaabay Banaanbax fowda ah, waxaana daqiiqado kadib la maqlay Dhawaaqa ugu yaraan 3 qarax oo ah Nuuca dhulka la geliyo kuwaas oo la sheegay in lala damacsanaa Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada AMISOM.

Qaraxyada ayaa mid ka mid ah waxa uu haleelay Gaari Booyad ah oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo ilaa hadda halkaasi ku gubanya sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee dadka shacabka ah rasaaseeyay ayaa la sheegay inuu Gaari ka gubtay kadib markii ay Qori RBG ah ku dhuftayn Ciidamo nabad Sugid ah.

Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Shacabka Banaanbaxya oo dhinac ah iyo Milatariga Soomaaliya ee rasaasta furay ayaa la sheegay inay shaqaaqada u dhaxeyso halka Ciidamada AMISOM uu haleelay Qaraxyo dhulka ku aasnaa xilli ay marayeen meel u dhaw halka ay shaqaaqada ka socoto.

Dhanka kale waxaa hadda istaagay Banaanbaxa, balse ay jirto xiisad u dhaxeysa Milatariga iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo isku khilaafsan dadkii shacabka ahaa ee Milatarigu ku dileen Suuqa Xoolaha, falkaan ayaa la sheegay inuu yahay markii Labaad oo ay sameeyaan Ciidamada Milatariga Soomaaliya.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*