| | 434 views

Xulka Croatia Oo Gaarey Final Koobka Aduunka 

Kulan ciyaareedkii xiisaha lahaa ee udhaxeeyay dalalka England iyo Croatia ayaa waxaa kasoo baxay Natiijo aan la filayn, iyagoona isla gaaray 30 daqiiqo oo dheeri ah.

90-ka daqiiqo iyo wixii dheeriga ahaa waxay ku heshiiyeen natiijo 1-1, iyadoona goolka uu ku horeeyay xulka qaranka kubada cagta England, waliba qeybta labaad ayuu ka helay daqiiqadii 51aad ciyaaryahan Kieran Trippier.

Kieran Trippier, goolkiisa wuxuu ahaa mid Laad xur ah, iyadoona dhamaan maamulka iyo ciyaartoyda dalkaan Yurub ku yaala ay si wayn ugu dabaaldegeen.

Balse, xulka Croatia oo ahaa kuwa car-car ah ayaa waxaa goolka durbadiiba usoo bareejeeyay laacibka lagu magacaabo Ivan Perišić, kaasoo dhaliyay daqiiqadii 68aad.

 



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*