| | 299 views

Dhambaalkii Shiinaha, Is Jid Jid badan kadib waan isla fahamnay!.

Dhambaal ka yimid Dowlada shiinaha ayuu Ugaas Ciise, maanta ii aqriyay. Si aan u fahmo Qoraalka, Farta- shiinaha oo aanan aqoon, ayuu haddana gadi gadi u qabtay warqadii. Wuxuuna u aqriyay sidaan:

Soomaaliyeey Walaalkaa wax kuu dhaama male.

Isku Asal ayaad tihiin, annagaa 1000 sanno ka hor idinla ganacsan jirnay, intaad sheegan laheydeen in ummadda kale in aad isku Asal tihiin, walba annaga na sheegta. waxaa idinka badan inta Qof oo shiina ah kuna nool hal Tuulo.

Barwaaqadiina maxaad uga baahantihiin?. Dalka ugu fiican iyo Diinta ugu fiican ayaad heysatiin.

Talaal qabiilka looga hortago oo lacag la’aan ah ayaan soo saareyaa. Isagana armaad diidaan? 4.5 uma qaybsamo kaniingu ee si siman ayaa loo cunaa.

Inta xanaaqay ayuu yiri: Jiin wuu ku juu.

Talada shiinaha waan la dhacay. Haddii aad been u qabto, adiguba sii aqri warqada waxa ku sii qoran, Adaaba yaabi doonee.

FG: walaalayaaloow saan aan isku dhaano, Sidaanu waa Aduun iyo Aakhira beele.

Qore: Yahya Amir



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*