| | 304 views

Xulka France ayaa gaaray finalka koobka adduunka,markii ay 1-0 ay ku garaaceen dhigooda Belgium.

Cayaarta oo ahayd mid aad u kulul ayaa lagu kala maray qeybta hore barbaro 0-0, kadib markii ay labada xul France iyo Belgium ay awoodi waayeen in wax gool ah ay iska dhaliyaan.

Muadadii lagu jiray qeybtii hore waxay sameeyeen fursado halis ah, balse waxay ku guuldareesteen in ay goolal u badalaan.

Mmarkii lagu soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta xulka qaranka France ayaa dhan kasta ka weeraray Belgium laakiin waxaa qatar walba ka badbaadinayay goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois. Sidoo kale wiilasha Martínez ayaa iyagana sameeyay weerar is daba jog ah

Waxaa markii dambe is badalay ciyaarta kadib markii daqiiqadii 51-aad uu xulka qaranka France uu dhaliyay gool waxaana u dhaliyay difaaca kooxda Barcelona Samuel Umtiti, kadib markii uu caawin ka helay Antoine Griezmann, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Dhanka kale Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday xulka qaranka France oo u guday kulanka finalka koobka adduunka waxayna sugu doonaan xulka soo baxa midkood Croatia iyo England.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*