| | 689 views

Maqaal: Maxaa sababay siyaasiyiin hal beel ah iney la kulmaan…..

Siyaasiyiinta beel dhan, oo safar dheer u soo gashay, safna ugu jirta, sidii ay ku arki leheed, u lana kulmi leheed hal NIN. Saw la yaab ma ahan?.

Hal nin oon hayn xil bulshadeed, xoolo gaar ah haysan, xoog la sheego aan qabin, in dhawr nin oo is ku beel ah ay u ka la dhuuntaan maxay ka dhigan tahay?.

Haddii iyagoo wadajira, hal aragti, -mid beeleedba ha ahaatee- wata ay u tagaan, maxaaba iga bi’i lahaa, ee midba mar ayuu u xaluushay, asow sawir la soo galay. War bal weydiiya; maxay ka dheefeen: xigmad, xabiibnimo ama wax kale?!

Haddii ay LOBBY yihiin, oo karkarintooda kis iyo kimis ka helayaan waanba u qiilin lahaa, balse, maalin walba DAAB noqo iyo DUBBI dad kale la la dhaco, si dan loo gaaro aad berri marti ka noqon doonto waa dhib!

Nin ina adeerkii uu bixiyey amarka Xabashida loogu dhiibay, ina adeerkii kalana uu galaangalkiisa siyaasadeed uga qaybqaatay, sidii loo siin deyn lahaa, booska uga bannaan muxuu yahay?.

Baarlamaanku fasax ayuu ku jiraa, oo ah amminka ugu mudan, in metalaashu ay la metelayaasha u laabtaan, si ay u soo ogaadaan xaaladdooda amni, dhaqaale, nolol iyo baahiyahooda guud, si ay isugu dayaan, in ay wax uga qabtaan.

Ragga sawirka ka muuqda, ee Nayroobi u yimid, in ay la kulmaan qof aan cidna metelin, dadkii ay xilka ku/u hayaan magacooda dib ugu ma laaban, warna u ma hayaan, waxaana u dheer, in ay qayb ka yihiin khilaafaadka la degay degaanka ay ka soo jeedaan.

Marka uu ku metelo kaa oo kale, karaamoseeg huri maysid iyo haydaaro joogta ah. Hah!

F.G: hiilka Qalbi Dhagax la siiyey waa halkiisa, ee yaan la hoosaasin.

Bashiir M. Xersi



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*