| | 191 views

Iran oo deldeshay 8 qof oo Daacish ka tirsanaa

Iran ayaa dishay siddeed qof oo ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay Weerarkii bambaanooyinka ahaa 2017-kii lagu qaaday xarunta baarlamanka Tehran iyo xaruntii Ayatollah Khomeinium.

Wakaaladda wararka ee Iraan ayaa werisay Sabtidii maanta in siddeed xubnood oo ka tirsanaa Dawladda Islaamiga Daacish in la deldelay.

Dadka la deldelay waxaa ka mid ahaa  Soleiman Mozafari, Esmail Sufi, Rahman Behrouz, Majed Mortezai, Sirous Azizi, Ayoub Esmaili, Khosro Ramezani iyo Cisman Behrouz.

Weerarkii Bishii Juun 7, 2017-kii ka dhacay Iiraan  ee lagu dilay ugu yaraan 18 qof  waxaa uu ahaa weerarka kaliya ee Daacish ay ka fulisay Gudaha dalka Iraan.

 



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*