| | 246 views

Xulka Belgium oo ka dakaaday Xulka Brazil una gudbay Wareega 4-dhamaadka Koobka Aduunka

Ciyaar aad u xiiso badnayd ayaa caawa waxay dhexmartay xulalka Belgium iyo Brazil, iyadoo qaybteedi hore ciyaartaasi ay ku soo dhamaatay 2-0 oo ay ku horkacayeen xidigaha Belgium oo iyagu soo bandhigay awood aad u weyn.

Xulka Brazil ayaa weerar cir iyo dhul ah ku qaaday Belgium markii laisku soo laabtay qeybtii dambe ee Ciyaarta, waxaana u suurta gashay inay keenaan Gool uu u saxiixay xidgooda Renato Augusto daqiiqaddii 76-aad ee Ciyaarta.

Ciyaaryahanada reer Brazil ayaa wixii intaa ka danbeeyay sameeyay fursado gool noqon karay, balse uma aysan suurta galin inay iska soo gudaan goolka lagu leeyahay.

Ciyaarta ayaana ugu dambayn waqtigii loogu talagalay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay xulka Belgium ku awood roonaadeen,taas oo ka dhigan inay waregga 4-dhammaadka ay u soo gudbeen iyagoona la ciyaari doona Xulka France oo galabta ku soo garaacay Xulka Uruguay 2-0.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*