| | 598 views

Maqaal aad Xiiso u leh: Dabinta IMF iyo Lacagta Cusub

Inta aanan imaan dalkiisa, waxaan dhowr jeer ka daawaday TV-yada caalamiga ah is beddelka dhaqaale ee uu doortay. RW Erdogan ayaa meel walba ka sheegaya, “waa inaan ciribtirnaa ceebtan dhowr jiil galaafatay ee dalkaan sharafta leh heysata”.

Waa November, 2005, maalintii iigu horeysay ee aan Turkey tago. Aniga iyo daraawalkii taksiga ayaa is fahmi la’. Wuxuu iga soo qaaday boosteejada weyn ee Ankara, ina keennay xaafadda Ulus. Waa meeqa marka aan iri, wuxuu igu yiri, “ konton iyo shan milyan oo Lira”, oo u dhigantay $50 xilligaas. Lacagta waraaqaha Turkey ka shaqaynaysay waxaa ugu yaraa 1,000,000 Lira, oo muddo ay Guinness World Records u diiwaan gelinaysay “lacagta adduunka ugu qiimaha liidata”. Waa ceebta soo jireenka ahayd ee uu ka hadlayo Erdogan in laga takhaluso. Waxaa wasiirka maaliyadda u ahaa Erdogan, wiil dhalinyaro ah, oo la yiraahdo, Ali Babacan, oo Jan 20th, 2005, wargayska caanka ah ee The Economist ka qoray maqaal guushiisa dhaqaale u hagar baxaya , “Babacan’s Mirale = Mucjisadii Babacan”. Asagoo aqoonta iyo geesinimada wasiirkiisa da’da yar kaashanaya, Erdogan wuxuu tirtiray “lixdii eber”, wuxuuna ku bedelay “1 Lira”, sidaas darteedna u yeelay Turkey lacag markaan la qiimo ahayd doollarka Maraykanka.

Erdogan wuxuu tallaabdaasi qaaday ayadoo ay IMF diidan tahay. Turkey, oo ka mid ah 6 waddan oo keliya ee IMF inta ka faa’ideystay, haddana ka badbaaday dabinteeda, waxay wax ka barteen taariikhdii fogeyd ee ay IMF iyo World Bank isla soo mareen, ayadoo ay IMF ahayd tan ku kaliftay xukuumadihii Erdogan ka horeeyay in ay qiima ridaan Liiraha, ayagoo ka keennay meel hal Dollar ahaa 9 Lira, 1966, illaa 2001 la gaarsiiyay hal Dollar in lagu sarifo milyan lix boqol iyo konton kun oo Lira.

IMF waxay waddamada u doontaan kaalmo, marka ay ciriiri dhaqaale dareemaan (sida hadda Masar). Haddii waddanka deyn lagu yeesho, waa inuu bixiyaa, si uu ammaah kale u helo, haddii uusan bixin Karin oo ay cafin u baahdaan ” Heavily Indebted Poor Countries” sida Soomaaliya, waxay dalbadaan cafis. Ka hor inta aysan amaah bixin, ama deyn cafin, IMF waxay shuruudo culus, ku soo rogtaa dalalka, kuwaas oo curyaamin kara dhaqaalaha, sida ku dhacday Turkey, Erdogan ka hor, ama Soomaaliyaba xiliggii maamulkii Siyad Barre. IMF waxay dalbataa shuruudahaan si ay lacagteeda dib ugu hesho, waddankana la hayste uga dhigto ama qalqal u geliso:

1- In ay dowladda aad u yarayso kharashka kaga baxa adeegga dadweynaha (waxbarashada, mushaharka shaqaalaha, ciidanka). Sida ku cad dikumintiga CIA, Siyaad Barre markii uu xiriirka u jaray Ruushka, dhaqaale daranna soo wajahday, IMF-na kaalmo ka doontay, waxyaabaha lagu xiray ee uu ka dhiidhiyay waxaa ka mid ahaa in uu ciidamada kala diro, shaqaalaha dowladda mushaharaadkooda yareeyo, sidoo kale Masar hadda ayay socotaa howshaas oo sicirka korontada shacabka lagu qaaliyeeyay.

2- In dowladda ay sharciyo adag ku soo rogto ilaha dhaqaalaha, canshuuro dheeraad ahna lagu soo rogo meelaha dhaqaalaha ugu badan ka soo xaroodo.

3- In la soo daabaco lacag cusub, si qiimaha lacagta dalka ay hoos ugu dhacdo sicir barar awgiis, kaddibna taasi ay keento sida ay ku andacoodaan, in wax soo saarka dalka dhoofintiisa ay u sahlanaanto (shuruud uu diiday Erdogan, dowladihii ka horeeyay yeeleen, sicir barar kalifay, hadda waxaa shuruuddaasi aqbalay Madaxweyne Siisii, Geniga Masar wuxuu joogaa heerka ugu hooseeya”. Marka laga tago waxa ay IMF ku andacooto, ujeedada qiima dhimista lacagta laga leeyahay waa in si dadban loo fuliyo shardiga koowaad ee kharash yarenta. (Tusaale ahaa marka uu shaqaale qaato 4,000, 000 Som Shillin ah bishii, oo u dhiganta $200 oo dollar, marka uu sarifka laba jibaarmo, isla qofkii la siiyo 4,000,000 oo shilin, waxaa doolar ahaan ugu soo aadaysa $100 oo keliya). 1980s, Siyaad Barre wuu yeelay, wuxuuna daabacay lacagta 500, 1000 taas oo keentay sicir barar baaxad leh, oo markii dambe sababtay dhaqaale xumo iyo in ay ciidamadii loo waayo mushahar, kaddibna dowladdiisa laciifto illaa jabhado ay dalka ka qabsadaan.
Maamulka Farmaajo, ma laha si deynta $5.2 bilyan looga cafiyo, deymo kalena u helo, wuxuu aqbalay shuruudahaan curyaaminta dhaqaale keenni kara ee ay IMF ku xirtay:

1- In la kordhiyo canshuuraha soo xarooda, taas oo ay yeelleen markii ay canshuurta iibka ku soo rogeen Muqdisho ayadoo aan wax sharci ah loo raacin.

2- In la sharciyeeyo ilaha dhaqaalaha ugu badan uu ka jiro sida Isgaarsiinta, kunturaadyada iwm. Taasna waa la yeelay.

3- In la soo daabaco lacag cusub, oo sicir barar hor leh keennaysa, oo 10,000, 5,000 kun ah, taas oo waafaqsan shuruudaha qiimo ridista IMF ee adduunka, laakiin su’aasha ayaa ah Soomaaliya wax walba Dollar ayay ku salaysan yihiin, karash dhimis kama imaan doonto, sidoo kale wax aan dhoofino ma jiraan, oo noo sahlanaanaya. Maxay tahay ujeeddada?

Erdogan waxa uu diiday shuruudaha qaar ee IMF, asagoo markaas lagu lahaa $50 bilyan lacag ka badan. Wuxuu ka doorbiday soo celinta sharafta lacagtiisa, asagoo 1 Lira ka soo bilaabay.

Dowladda Soomaaliya inta deyn cafintaan indha saabtay ay dib uga gurato, ayay samayn kartaa in ay si tartiib ah u soo celiso qiimaha lacagta shilinka ayadoo ka soo bilaabaysa shilin. Balse uma muuqato. Deyn baa la cafiyay waa guul ma laha, ka weyn aasaaska dhismaha dhaqaale.
Haddii la soo daabaco lacag cusub oo 10,000, 5,000 ah, waxaa halis loogu jiraa in gebi ahaanba lacagta Soomaaliyeed laga diido suuqa, sidii dhacday 2001 markii lacag N20 ah la soo daabacay, oo gebigeedba suuqa ka baxday.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Bashiir Ciise, oo ma laha Bankiga ka soo shaqeeyay xiligii Siyaad Barre oo dhaqaalaha aan xurta ahayn, wuxuu walaaca ka dhalan kara lacagta cusub, iyo is bedelka suuqa la filayo eedda dusha ka saaray, “sariflayaasha ku cayaara sicirka lacagta” asagoo ugu hanjabay in la xir xiri doonno. Guddoomiye, sarifle lacag ma beddelo, mana xaddido, waa suuq furan sida seyladaha dhaqaalaha New York Stock Exchange, waxaa wada matoorka dhaqaalaha ee aan cidina xukumin ee la yiraahdo, “Fear and Greed = Cabsi iyo Hunguri”.

Adinkoo “deyn baa na laga cafiyay” guul u malaynaya, $5.2 bilyan oo berri la gudi karo, ha u waxyeeleynina aasaaska dhaqaalaha dalka. Ugu horeyn dhisa aasaaska dhaqaalaha sida sharciyada, la shaqeynta maamulada, aqbalaadda siyaasad wadajir maaliyadeed iyo canshuuraadka, ee IMF iyo deynteeda naga hakiya.

Ugu yaraan ka talo qaato Turkey, si aad IMF una adeegsataan ugana guuleysataan.

W/Q: Hassan Adam Hosow

 

 



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*