| | 266 views

England oo u soo gudbay Wareega 8-da markii uu Colombia uga adkaaday Rigoorayaal 4 iyo 3 ah.

Waxaa ciyaar xiisobadan Caawa ay dhexmartay Xulalka England iyo Colombia Ciyaarta ayaa qaybteedii hore ku soo dhamaatay barabaro goolal la’aan ah, iyadoouu isbadalyimid ciyaarta Qeybteedii dambe,waxaana bilawgii qaybtii horaba xidigaha England ay ku bilaawdeen car car xooggan taas oo usuurta galisay in dhaaliyaan goolka koobaad kaas oo ahaa rigoore lagu galay Harry Kane oo isla isaguna shabaqa udiray daqiiqaddii 57-aad.

Xidigaha Colombia ayaa waxii intaa ka dambeeyay bilaabay inay abuuraan fursado halis ah si ay u soo gudaan goolka lagu leeyahy kaas oo ay ugu dambayntii keeneen dhammaadkii ciyaarta waqtigii dhimashada daqiiqadihi daycmay ee 90-ka daqiiqo waxana u saxiixay xidiga Batcelona daafaca kaga ciyaara ee Yeri Mina.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-1, xitaa 30- daqiiqo oo lagu daray ayaa la isku mari waayay, waxaana markaasi la isla aaaday rigoorooyin xidigaha England 5-rigoore oo ay tuurteen ay dhaliyeen 4-kamid ah halka xidigaha Colombia 5-rigoore oo ay tuurteen ee dhaliyeen kaliya 3-ka mid ah waxaana ingiriiska rogoorada ka qasaariyay kabatanka Reds Jordan Henderson, halka Colombia ay ka qasaariyeen Carlos Bacca iyo M. Uribe taas oo kadhigan inay xidigaha ingiriisku ku soo gudbeen 4-3 rigoorooyin ah.

Hadabba Xulka England ayaa wareegga 8-da waxay isku arkayaan Xulka Sweden oo galabta reebay Xulka Dalka Switzerland.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*