| | 323 views

Sweden oo u soo gudbay Wareega 8-da ee Koobka Aduunka, kadib guul ay ka gaareen Switzerland.

Ciyaar aad u xiiso badan ayaa waxay dhemartay Xulalka Switzerland iyo Sweden, waxaana u suurtagshay Xulka Sweden inay Gool dhaliyaan qeybtii labaad ee ciyaarta waxaana dhaliyay xiddiga ugu firfircoon Sweden Emil Forsberg, kaasi oo ka saaciday qaranka Sweden iney u gudbaan wareega quarter final-ka koobka Adduunka, waxeyna tartanka ka reebeen Xulka qaranka Switzerland.

Xulka Qaranka Sweden ayaa si cajiib leh ku socda tan iyo isreeb-reebka waxeyna ka soo baxeen group ay ka hareen wadamada Bulgaria iyo Holland, sidoo kalana waxey tartanka si lama filaan ah uga reebeen Xulka Italy.

Marnaba labada wadan kuma guuleysan iney gool dhaliyaan qeybta hore, balse qeybta labaad ayaa aheyd mid aad u xiiso badan, waxaana gool helay Emil Forsberg oo kubadii uu goolka aadiyay ay ku sii dhacday Manuel Akanji.

Xulka Sweden ayaa wixii markaas ka dambeeyay ahaayeen difaac halka Switzerlan ay si fiican weerar u galeen balse aysan ku guuleysan inay gool dhaliyaan, iyadoo Daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta xerada ganaaxa lagu tuuray Martin Olsson iyadoo garsoore Skomina uu go’aansaday inuu rigoore dhigo, balse isticmaalka VAR ayaa baajisay oo lagu ogaaday iney laad xor ah tahay.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Sweden, waxeyna sugi doonaan wadamada England iyo Colombia oo caawa ciyaaraya.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*