| | 252 views

Xulka Brazil oo Mexico ka ciribtiray inay sii ciyaaraan Koobka aduunka, kadib markii ay ugu awood sheegteen 2-0

Waxaa ciyaar xiisoleh galabta isku arkay Xulalka Brazil iyo Mexico, iyadoo Ciyaarta ka tirsanayd wareegga 16-ka, waxaana ciyaarta qaybteedi hore ku soo dhamaatay bar baro 0-0 ah, inkasta oo ay xidigaha Mexico abuureen fursado gool noqon karay, balse nasiib darro uma suurta galin.

Qaybtii dambe ee Ciyaarta ayaa is badashay, kadib marki qaybtii danbe la isku soo laabtay iyadoo ay xidigaha reer Brazil ay shabaqa isla bilawgi hore iyagoo daqiiqaddii 51-aad gool ka helay xidiga ugu qaalisan dunida Neymer Junior.

Xulka Brazil oo bandhiggeeda qurxoon sii wadata ayaa sii maamulaysay kubadda wixii intaas ka dambeeyay, waxaana ciyaarta soo qatimay bandhigga goolasha Brazil xidiga liverpool Roberto Fimino daqiiqaddii 89-aad.

Ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay 2-0 oo ay guushu kurraacday xidigaha Brazil, taas oo kadhigan in ay iska xaadiriyeen waregga 8-da.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*