| | 449 views

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay Aqalka D/Hoose ee Xamar+Sawirro

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 58-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada qeybood ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo lagu qabtay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in haddii facii naga horreeyay ay dhidibada u taageen qaran xor ah oo calan iyo cudud mideysan leh, kana tilmaamnaa Qaaradda Afrika iyo Caalamkaba in dadka haatan joogana ay dib u yagleeli karaan qaran iyo dawladnimo ka qurux badan kuwii hore.

“Xuska maalmaha gobannimada, wuxuu na barayaa in haddii sidii uu dadkeenu shalay gacmaha isu qabsaday ee ugu hawl galay xaqiijinta himilada ummadda, haddii aan maantana gacmaha is qabsano in aan mustaqbal qurux badan oo aan ku faanno aan dhisan karno.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo duruufo adag ay soo mareen.

“Waxaa xusid mudan in maanta ummadda Soomaaliyeed ay yeesheen dawlad sharaftoodii iyo karaamadoodii soo celinaysa, dawlad ku hawlan hirgelinta iyo xoojinta ammaankii iyo nabaddii dadka Soomaaliyeed in badan ka maqnayd, dawlad caalamka aqoonsi iyo kalsooni buuxda ka haysata, lana hubo in ay buuxinayso kaalintii Soomaaliya ay ku lahayd caalamka.”

Dhanka kale, gunaanadkii munaasabadda ayaa Madaxweynuhu waxa uu u istaagay calan saarka, isagoona salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka sida.

Munaasabadda 1-da Luuliyo waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye K/xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Mowliid Xuseen Guhaad, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda iyo Taliyeyaasha ciidammada,

Sidoo kale, waxaa munaasabaddan kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Difaaca iyo Isgaarsiinta ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, diblomaasiyiin, fannaaniin iyo saraakiil ciidan oo reer Jabuuti ah oo Muqdisho u yimid in ay farxadda la qeybsadaan walaalahooda Soomaaliyeed.

 



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada