| | 1,134 views

Muxuu Qurbaha ku badan yahay nin aan Xamar Tabakaayo ku lahayn, oo ku leh….=Nasashada Jimcaha.Q-102-aad=

1-Nin reer Gaalkacyo ah oo sheekeynaya, isaga oo Marqaansan ayaa yiri: Saaxiibayaalow, Hadda ka hor annaga oo hawada Sare mareyno, ayaa Dayaaradu nala qaraxday,oon cidiba ka Badbaadin. Koo meesha fadhiyay ayaa yiri: oo markaa haddii dadkii wada dhinteen adiguna soow ma dhiman?. Gaalkacyoodkii ayaa ku yiri: War bal sug hadalka ha iga boobine, soow taan ku iri cidiba kama badbaadin, sug anna waan dhiman doonaaye.

( Ma sugi laheyd dhaadka sheekada uu ka sheekeynayo ninkii dayaarada ku soo dhintay. Ma sugi laheyd dhamaadka sheekada doorashada 2020, mise waad fahamtay waxa ay noqon doonto doorashada Hal Qof hal Cod ee 2020)

2- Nin Xamar ka yimid oo Muqayil ahaa ayaa “sponsor” loo xareeyay markuu 15 Sanno Nairobi joogay. Maalintii Dambe ayaa looga yeeray Safaarada Kanada ee Nairobi. Waxaa la weydiiyay maxaad uga soo carartay Somaliya?. Waxa uu yiri: Haddaan sii joogi lahaa waaba la i dili lahaa, Afkii ayuu kala furay waxa uuna yiri: Soow uma jeediin ilkihii iyo goowsihii, Xamar ayaa la iiga soo daadiyay.

John James ayaa ku yiri: Somali waan idin baranay, Maxaad wax kale u sheegan weeyday, kiiskaan horuu u fashilnay, macnaha Nairobi ayaad ku daahaday. Muqayilkii illaa hadda Islii ayuu joogaa isaga oo ku sheekeeynaya berri ayaan baxayaa. Fiiri Sawirka: 1aad.

( Muxuu Qurbaha ku badan yahay nin aan Xamar Tabakaayo ku leheeyn, oo ku leh 6 Villo ayaa xoog la iiga heeystaa, wuxuu shaki galinaa kii Guri Run ah ka maqanaa)

3- Ugaas Ciise oo ah, Taajirka Degmada Kaaraan, Lacag bixintana aan jecleyn, ayaa wiilkiisu la saaxiibay Gabdho Qurbaha ka yimid oo uu ku bartay Beach View-Lido.

Ugaaska ayaa Canaantay wiilkii kadibna ku yiri: Wiilkeyga Cabdi Nokia foonoow, Haddii Gabaru “Bbe Babe” ku soo celceliso iska jir, jeebkaaga ayey faaruqi rabtaa, Haddad maqasho “I MISS YOU”, Macnaheeda Dictionarku waa: ciida “I MISS YOU” la leeyahay adiga ma ahan ee waa Jeebkaaga. Gabdhaha Qurbuhu wiilasha waa “FORE MATE” gareeyeen, ee adoo Cabdi Nokiyihii aan aqiin aheyn ha ii imaan. Maadhoow Mogadishu Waa Sida Facebook, Haddii aad dhibateysan tahay, dadku waxay ku Siinayaan LIKE iyo COMMENT, laakiin Qofna kuu xallin maayo dhibaatadaada, Sababta oo ah Qofba tiisa ayuu ku Mashquulsan Yahay sidii uu UP Date-Gareyn lahaa.

( Ugaaska ma Runtiisaa mise, Bakhiilnimaa u geeysay?)

4- Faarax oo Reer Gaalkacyo ahaa ayaa Dayaaradda British Airline la soo raacay Siidoow. Dayaaradii Gudaheeda ayaa raashin loogu keenay. Farax ayaa yiri: war Siidooboow waxaan maqli jiray Dayaaradaha Gaalada Hilib Doofaar oo xaaran ah ayaa lagu dhax cunaa.

Siidoow ayaa ku yiri: weligeey intaan dhulka joogay, Afgoye dhaxdiisa kuma arag Reer Gaalkacyo oo Xaaraan iyo Xalaal kala soo caayo, Unu waaba yaabnee, Adinku Cirka lee miyaad Xalaasha ku cuntiin. Kala qabta aa ka dhacday Dayaaradda dhaxdeeda. FS: 2aad.

( Meeqa Masuul ayaad taqaan oo meel kasta xaaraantu ugu xalaal tahay, intaan masjidka dhaxdiisa ka aheyn)

5-Koo Reer Waqooyi ah oo marqaansan ayaa xanuun ku soo booday, waxaana la geeyay Isbitaal, waxaa loo geeyay Dr.Ugaas Ciise oo Faleebo ku suray.

Xooga kadib ayuu bilaabay in uu indhaha kala furo, haddana isku qabto,hadana dib u furo. Waxaa lagu yiri: Maxaad la Ni Nibirsanee? Waxa uu yiri: dee markaad halkaan i keeneyseen Low Battery ayaan ahaa, oo Casaanbaa ii shidinaa, laakin hadda Charger ayaa igu socda, ha ila hadlina ilaa aan full Battery ka noqdo. FS: 3.

( Koo Gudoomiye degmo ah oo Qurbaha ka yimid ayaa markii dadka xaafaddu su’aal weeydiiyaan, waxa uu ku yiraa: weli ma kala baran xaafadda Laamaheeda iyo waaxyaheeda ee ha ila hadlina illaa aan Full information ka helo)

6-Nin Mooryaan ahaa oo Xamar dad ku dilay ayaa Jabuuti u baxsady,isaga oo Jabuti Jooga ayaa saaxiibkiis ku yiri: Dee Xamarna ma tagi kartid, Halkaana cimiladu waa is bedeshay ee orod oo Hargesa u Xagaa bax. Makii uu Hargesa yimid waxaa ku dhagay LaantaSocdaalka Somali land, police kii markeey isku wareereen ayuu Musqusha aaday. Waxa uu soo baxay isaga oo Suunka iyo shinyeerka Surwaalka xiranayo.

Taliyihii Booliska oo Arrinka ku soo baxay ayaa yimid, wuxuuna ku yiri: Maxaad soo doontay?. Kii inta naxay oo eraygii “Xagaaygu” u gooyay ayuu yiri: Taliye waan soo Biya Baxay.

Dayaarad Xamar u soo socotay ayaa hore loo soo saaray.

( Isfaham La’aantu, Hargesa Kaliya ma ahan,ee Ingriiska Jajaban ee warqadaha Xafiisyada Xamar,ay Qurba joogta Qaar ku qoraan, weli ma aqrisay? Kalmadaha loo isticmaalo, Maqaayadaha, Gaadiidka iyo Garaashyada, ma loo isticmaali karaa Siyaasada, xiriirka caalamiga, Diblomaasiyada iyo maamulka, Ar Ununkaa yaabnay !!!!!!!!! Adana waa yaabi doonta!!!!!!)

Qore: Yahya Amir



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada