| | 190 views

Magaalada Bulo burte oo Xalay loga dabaal dagay Munaasabada 26ka June 

Munaasabad lagu xusayay 58 guurada ka soo wareegatay markii calan Soomaaliyeed laga taagay dhul Soomaaliyeed, isla markaana gobollada Waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska oo xalay ka dhacday magaalada Bullo burte ee Gobolka hiiraan.

kooxda Fanaaniinta Buulaay Band, ayaa waxa ay madashada ku soo bandhigeen suugaan ka hadlaysa qiimaha ay leedahay  xoriyadda, iyo Ruwaayado so jiitay Dadkii ka so qeyb galay Xaflada Loogu dabaal dagayay 26 Juun.

Gudoomiyaha Degmada Buloburte Cabdi Daahir Guure ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 58-aad ee ka soo wareegatay maalintii xorriyadda Gobollada Waqooyi ee dalka, islmarkaana dhul Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay calan Soomaaliyeed, u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Buloburte.

Gudoomiye Cabdi Daahir  ayaa tilmaamay in masuuliyad weyn ay ka saarantahay qof kasta oo Soomaali ah xaqiijinta hiigsiga soojireenka ah ee ku qotoma Soomaali xor ah oo mideeysan.

Dabaal daga Munaasabada waa markii ugu horeysay Mudo dhowr iyo labaatan Sano ka dib loga dabaal dago Magaalada Buloburte.

“ qof walba oo Somali ah waxaa waajib ku ah in uu xil weyn iska saaro qarannimada dalka waa habeen ku weyn guud ahaan dadka ku hadla afka Somaligaa sidaa darted waa in aan wax walba ka hor marina jiritaanka dalka “

Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Degmada Buloburte Xasan Axmed Cilmi ( Xaseey Geesdiir ) ayaa munaasabada ka sheegay in gumeysi iyo xuriyad aanu isku mid aheyn sidaa darted waa in shacabka ka falceliyaan wax walba oo dhibaateyn kara xuriyadii ay heleen 26 June 1960kii.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*