| | 260 views

Xulka Germany oo guul dhib badan ka gaaray Xulka Sweden cayaar ku dhamaatay 2-1.

Kulanka waxaa lagu kala nastay qeybta hore 1-0 oo ay ku hogaamineysay xulka Swedan, iyadoo daqiiqadii 32-aad uu dhashay goolka waxaana hogaanka u dhiibay Sweden ciyaariyahanka Ola Toivonen kaa oo kubbad uu si qurux badan ugu hubsaday shabaqa Xulka Germany.

Qaybtii labaad ee Ciyaarta markii lagu soo laabtay xulka koobka difaacanayaa ee Geramny ayaa la yimid goolka barbarha kaliya markii qeybta labaad socotay seddax daqiiqo waxaana goolkaasi dhaliyay Marco Reus.

Ciyaarta ayaa aheyd mid weerar ay sameynayeen labada dhinac inkastoo ay gacan sareyeen xulka Germany, iyadoo daqiiqadii 82 Jerome Boateng laga saaray markii uu qaatay jaalihiisii labaad.

Daqiiqadihii dheeriga ee ciyaarta lagu daray mar kale Germany waxay sameyeen kubbadd halisa markii uu birta darbad xoogan uu ku garaacay laacibka badalka ku soo galay ee Julian Brandt.

Ugu dambayntii wax kasta ayaa isbadalay markii kooxda horyaalka adduunka ee Germany ay gool dhaliyeen daqiiqadii u dambeysay ee waqtiga dheeriga waxaana Free kick ama laadka xorta ah oo loo dhigay gool u badalay xiddiga Real Madrid ee Toni Kroos oosi aad ah ciyaarta uga dhex muuqday.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*