| | 278 views

QM oo Kenya ka codsatay in Qoxootiga Soomaaliyed ay u oglaato xoriyad ay ku ganacsadaan.

Wakiilka Gaarka ah ee heey’adda UNHCR u qaabilsan Qoxootiga Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in Xoriyaddu ay xoojin doonto dadka magan galiyo doonka ah,isagoo weydiisatay Kenya inay qoxootiga u ogolaato inay si xor ah ay awood ugu yeshaan inay ku ganacsadaan.

Mr. Afay wuxuu sheegay in Qoxootigu ay culeys ku yihiin wadamadda martigaliya hadana ay faa’iido u leeyihiin haddii dhaq-dhaqaaq xor ah la siiyo.

Dowladda Kenya ayaa marti galisay Qoxooti badan oo ka kala yimid wadamadda dariska la ah, kuwa ugu badan waxay ka soo jeedaan Soomaaliya iyo koofurata sudaan.

Wakiilka UNHCR Afey wuxuu sheegay in Qoxootiga Soomaalidu ay faaiidu u leyihiin Kenya, islamarkana ay ka qayb qaadanayaan kobaca dhaqaalaha, hase ahaatee aysan heysan Xoriyad ay ku dhaq-dhaqaan ama ay ku ganacsadaan.

Dhanka kale Qaxootga Soomaaliya ee ku sugan Kenya qaarkood hadda waxay ka mid yihiin Ganacsatadda Canshuurta siiya Dowlada Kenya, iyagoo dalkaasi ka dhistay Daaro aad u dhaadheer oo aad u qurxiyay bilicda dalkaas.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*