| | 387 views

Maqaal: SOOMAALIYA YAA LUGAHA U QABTAY CADAWGEEDA?

Markuu qabiilkii qarankii ka weeynaaday, markii laga soo hubeeyay dowlado doonaayay inay burburto Soomaaliya, markii ay ku dhex dagaalameen maatidoodi, markii ay dalkoodi u diideen deganaasho siyaasadeed, markuu qabiilkastaa gooni calan u surtay, markii ay suudad u xirteen dalaalka dalkoodi, markii ay hoos geeyeen masiirka dalkoodi dowlado kale, markii ay garan waayeen inay heshiyaan oo dadkooda iyo dalkoodi u turaan.

Markii dadkoodi ay gaasho u dhamaadeen, dhibaato ay ayaga sameeyeen awgeed, markii dhalintooda bada ku dhamaatay, markii dadkoodi ay badeen in xeryo qaxooti looga sameeyo dowladaha deriska, markii gabdhahoodi quruxda badnaa iyo ilmahoodi ay dibadaha qaxooti ku noqdeen, markii aqoonyahanadoodi midkasta maalin lagu toogtay dalkiisa, markii ay baal mareen ku dhaqanka diinta islaamka, markeey ay sharfi waayeen dhaqankoodi suubanaa.

Aniga arimaahaas kor ku xusan qof aan Soomaali ahayn aan ku eedi karo ma jirto, taas awgeed waxaan la joogaa waqtigii ay Soomaalida is xisaabin lahayd inta ay dambigooda dusha ka saarin qof kale, waayo aalada kaliya ee lagu ilaalin karo madaxbabaanida dalka Soomaaliya waa midnimo, hadii aad diidaan midnimadda ogolaada gumeeysi iyo gunimo, beentana iska daaya.

Wa bilaahi Tawfiiq

Sheekh-Nur Abukar Qaasim



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*