| | 239 views

Howlgalo Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ka bilaabeen deegaano ka tirsan G.SH/Dhexe.

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay maanta dhaq dhaqaaq ciidan ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe, oo maalmihii dambe mas`uuliyiinta maamulka Hirshabeelle iyo Ciidamada AMISOM lagula beegsaday Qaraxyo iyo dagaalo.

Dhawaan ayay ahayd markii kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM qarax miino lagu eegtay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, Qaraxaasi oo la sheegay inuu khasaaro uu ka soo gaaray ciidamada AMISOM ee Qaraxa lagu weeraray.

Sidoo kale deegaanada ay howgalka ay ka socdaan iyo xaalada guud ee deegaanadaasi sida ay yihiin ayaa lagu soo waramayaa in Ciidamadu wadaan baaritaano iyo sidii ay ku ogaan lahaayeen deegaanada ay kooxaha Shabaabku ka soo duulaan iyo Fariisimadooda.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*