| | 332 views

Croatia oo dhulka ku jiiday Leo Messi iyo Xulkiisa iyo France oo guul ka gaartay Xulka Peru

Xulka Croatia ayaa xaqiijiyay inay gareen wareega 16-ka markii ay ku raaxeyteen xulka Argentina cayaar ku dhamaatay 3-0.

Kulanka ayaa lagu kala nastay qeybtii Hore 0-0, iyadoo labada dhinac ay sameyeen dhawr weerar oo halis, inkastoo ay awoodi waayeen labada dhinac inay gool dhaliyaan.

Goolkii kowaad ciyaarta ayaa yimid marki dib loogu soo laabtay kaambiyaha waxaana hogaanka qabtay xulka Croatia, iyadoo uu shabaqa uu gaaray laacibka Ante Rebic daqiiqadii 53-aad markii uu kubbadda qalday goolhayaha Argentina Wilfredo Caballero.

Argentina iyo xiddigooda weyn ee Leo Messi waxay ku fashilmeen inay caadis saaraan goolka Xulka Croatia,iyadoo dhan kasta looga wancaa xulka koonfur America, Iyadoo raadinaya barbaraha goolka lagu hogaaniminayo ayaa waxaa Argentina dhib ku sii badiyay kabtanka Croatia Luka Modric oo kubbadd darbad xoogan dhexdhigay goolka daqiiqadii 80-aad.

Ugu dambayntii ciyaarta oo socota daqiiqadihii dheeriga ee lagu daray waxaa Argentina god ku sii riday xiddiga Barcelona u dheela ee Ivan Rakitic oo goolka seddaxaad u dhaliyay xulkiisa Croatia.

Dhanka kale Xulka qaranka France ayaa u soo baxay wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka ku dagaalami doona waxayna guul 1-0 ah ka gaadheen Peru oo ka mid noqday xulalka koobka aduunka kaga soo hadhay heerka groupyada. Kylian Mbappe ayaa dhaliyay goolka kaliya ee France u soo saaray wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka.

Kylian Mbappe ayaa la wareegay rekoodhka xidigii abid ugu da’da yaraa ee xulka qaranka France gool uga dhaliyay tartan caalami ah wuxuuna dhaafay rekoodhkii David Trezeguet uu sanadkii 1998 kii ka dhigay koobka aduunka markaas oo uu Saudi Arabia shabaqa ka soo taabtay.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*