| | 451 views

Maqaal: Damaca iyo Ujeedooyinka fog ee Itoobiya (Ethiopia’s Manifest Destiny)

Haddii aan dib ugu noqdo taariikhda soo-jireenka ah ee damaca Itoobiya ee Geeska Afrika, waxaa laga qoray buugag badan, waxaana ugu muhiimsan midka la magac baxay ‘Ethiopia’s manifest destiny”. Buugaas wuxuu xusay in Menelik lagu xasuusto la wareegidii Harar iyo Dirir-Dawa.

Haile Salassie, lagu xasuusto la wareegidii Haud and Reserve Area. Mingistu lagu xasuusto kala dhantaalii xooggii iyo quwadda ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed.

Zenawe lagu xasuusto siyaasaddii qaybintii Soomaaliya ee maamulo yar-yar iyo isku-dirka qabaa’ilada Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo buuggu tilmaamay in Zenawe, ka faa’idaystay kuna sheegay Soomaalida in diinta koowaad ee ay haystaan ay tahay Qabiilka, taasina ay tahay, waxa keliya ee Itoobiya u sahlay in ay Sioomaaliya kula wareegto dhiig la’aan.

Buuggu wuxuu amaan iyo bogaadin kala daalay in Hoggaaminta Cusub ee Abyi Ahmed, iyo sida damicii waynaa ee Itoobiya ee dhulka Soomaaliya uu run noqday, dhaboobay, Guushii ugu waynaydna ay Shacabka Ethiopia gaareen iyo hoggaamintooda cusub.

Ujeedooyinka dheer ee Itoobiya, wuxuu soo socday muddo dheer, waxaana fulintiisu bilaabatay 2004 shirkii Soomaalida lagu qabtay ee Embagathi Kenya, in loo suubiyo Soomaaliya maamulo yar-yar ee federal ah iyo kala dhantaalka midnimadooda, iyo aysan mar dambe hawaysan in ay difaacdaan dalkooda, waxaana maanta aragnay biloowgii dhammaadka wax la yiraah Soomaaliya.

Ganacsi iyo xiriir wax-wada-qabsi ma xuma, waa waxa dowladahu ku dhaqmaan. Xiriirka Dowladaha, waxaa lagu macneeyaa “ legally binding arrangements covered by international law between or among countries. Such arrangements are variously titled as treaties, conventions, protocols, annexes, accords and memoranda of understanding, notes, pacts, declarations, statutes, modi vivendi. and processes-verbal”.

Dowlado badan ayaa bad la’aan ah,(land-locked countries) ah, waxay deriskooda badaha leh (coastal countries) ka dhexeeya ganacsi , iyo badeeco-is-waydaarsi iyo tashiilaad shaqo ( Goods and Services exchange) in badahooda wax ka soo degsadaan, islamarkaasna dhibaan wixii (service) iyo khidmo ah ee ku waajibtay ama lagula hishiiyo.

Arrinta Itoobiya waa dekadahaaga aan kugula shirkoobo, saami (share) ku yeesho, waddan wixiisa lala leeyahay weli adduunka kama dhicin, wixii xoog ah waa wax kale, lkn sharciyan wuxuu noqonaaya hishiiskani (Null and Void).
Waxaa xusid mudan in waddan aan lahayn dowlad xoog leh, difaacan Karin xaqiisa iyo jiritaanka midnimadiisa iyo qaranmimadiisa (territorial integrity and sovereignty) in lala galo hishiisyada nuucaas ah ee kale, waa wax lid ku sh shuruucda caalamiga ah (International Law) waana (null and void)

Itoobiya ha u dhaqanto sida dowladaha la midka ah ku dhaqmaan, ee deris wanaag iyo faragelin la’aan, mana laga sugaayo Itoobiya middaas. Waxaa la socotaan in 2 bilood ka hor, Itoobiya waxay saami ku yeelatay Berbera 19% iyo Boosaaso 29% iyadoo aan Dowladda Federaalka ka warqabin, waa xadgudubiyo faragelin (intervention) ay ku suubisay midnimada iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed.

Itoobiya waxeedu ganacsi iyo deris-wanaag ma ahan, ee waa muquunin (hegemony) ay rabto in dhulkeenna iyo badaheenna ay si xoog ciidan ah ugula wareegto, waana loo jeedaa saan-saantii arrimahaan iyadoo maqal iyo muuqaal ah.

Dastuurka qabyo-qoraalka ah ee lagu dhaqmo wuxuu qabaa in wixii international agreement ah marka hore baarlamaanka “ratification” ku ansixiyo, Madaxwaynuhu saxiixo, lagu soo daabaco ‘bulletino officiale’ si uu sharci u noqdo.
Dhibku waa baarlamaan fadhiid ah, aan waajibaadkiisa gudan karin, laaluush qaatayaal ah, aqoon u lahayn ‘rights and obligation’ lagu leeyahay, iyo midka uu leeyahay, maxaa ka fili waddan sidaas ah ee aan lahay wax ehel ah ee u adeegga.

Waad aragteen diidmadii baarlamaanka ee DP World in Madaxwaynuhu diiday in uu saxiixo diidmada baarlamaanka. Sharciyan waa in 5 howl-maalmeed uu ku saxiixo ama ku diido, haddii uu diido dib ugu soo celiyo baarlamaanka si islamarkaas baarlamaanku 2/3 “over-ride” ugu suubiyaan si sharci u noqdo, wali ma aragteen exildhibaan ka hadlaaya arrintaan, ama wax ka oranaaya xadgudubkaas dastuuriga ah, ee Madaxwaynuhu suubiyay.

Haddii aad dhadhansatid hadalada R/W Itoobiya, iyo 16 qodob ee lagu hishiiyay, waa wax aan macquul ahayn una eg in madaxda Soomaalidu isku dhiibeen rabitaanka iyo damaca Itoobiya, waxaana ku tilmaami karaa (total capitulation).

Soomaaliya waqtigaan in ay hishiis la gasho Itoobiya waa wax sharciyan ah xaaraam waayo, waxay Itoobiya waxay Soomaaliya ku haysay faragelin toos ah, iyo mid dadban (direct and indirect).

Waxaa Itoobiya ka jooga Soomaaliya ciidamo aad u tira badan, 5 gobol ee Soomaaliya ka mid ah si sharci la’aan ah ayay ku soo gashay, markeey rabaan soo gala, markeey rabaan ka baxa, waa ayaan darro in waqtigaan loo hibeeyo dekedaha soomaaliya.

Itoobiya waxay qorsheesay ciidamo tiro badan ee (marines) ah 80 maraakiib ee ah kuwa dagaalka, si ay u waardiyeeyaan xeebaha Soomaaliya iyo 30 (trawlers) ah ee ka jilaabanaaya khayraadka xeebaha Soomaaliya,

Arrrimahaas oo dhan waxay saan-saan u tahay in Soomaaliya ay noqotay bahalo galeen (no-man’s land) una sahlaysa in Itoobiya ay xoog ugula wareegto, taas oo ah siyaasadooda qotada dheer ee ku xusan (Ethiopia’s Manifest Destiny)..

Ugu dambayn, waxaan oran lahaa, haddii burbur uu ku yimaado qowmiyad ama hab-dhaqanka ummad nolosheeda (fabric of the society), waxaa keliya ee badbaadin karaa waa muwaadiniintooda u jiir-naxa jiritaanka dalkooda, diintooda iyo mustaqbalka caruurtooda.

Xikmad Chinese ah ayaa ku leh, guusha iyo midnimada waa isku- mid “Victory and Unity are synonymous”.
Waa in ummadda Soomaaliyeed midoobaan si heeryada gumaysiga cusub iskaga kor qaadi lahaayeen, dalkoodana u badbaadi lahaayeen.

Wa billaahi towfiiq.

Dr. Khalif M. Duale

Legal Analyst.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada