| | 264 views

Heshiisku waa is Afgarad Somalia iyo Ethiopia

Waxa siyaabo kala duwan looga hadlay safarkii RW Ethiopia ee Muqdisho, dood badan ayaa kaga dhalatay baraha bulshada Soomaaliyeed ee qolaba fasiraad ka bixisay heshiis, iskaashi, midaw iyo afgarad intaba.

Marka an eegno qaanuuniyan Mad/ynaha Soomaaliya ma geli karaa heshiis waa in laga bilaabo sheekada?
Madaxweynuhu waa ilaaliyaha Dastuurka, odoga golayaasha dastuuriga (Xukumada, Garsoorka iyo 2 Gole ee sharci dejineed.)

Doorkee ku leeyahay heshiisyada laga galo dalal kale ama sharci kasta ee la soo saarayo noocuu doono ha noqdee?

Madaxweynuhu wuu geli karaa heshiis iskaashi is_afgarad siyaasad,dhaqaale iyo amni intaba ku lug leh taas macnaheedu ma aha in heshiiskaasi dhammeystiran yahay ama qaanuun noqon karo.

Xukuumada ayaa laga rabaa in ay amba_ qaado is_afgaradka odogu soo saxiixay una dhex gasho si technocratics ah (farsamo) ah marka ay la soo dhammeyso dhanka kalana u gudbiso aqalka hoose loona sii gubiyo aqalka sare si ay u meel mariyaan.

heshiiskaasi marka aw maro xukuumada iyo 2 aqal ayaa loo gudbiyaa Madaxweynaha DFS si aw ugu soo saaro faafinta rasmigaa (pullettino uficialo) halkaas ayuu heshiiskaasi sharciyan ku guntamaa ama qaanuun ku noqdaa hadii kale hayadaha an kor ku soo sheegnay dhexdooda ayaaba lagu hakin karaa inta anowba soo gaarin Madaxweynaha kaasoo ka dhigi waxba kama jiraan is_afgaradkii hore.

Sidaas daraadeed waxa hadda dhacay ma aha heshiis ee waa is_af_garad guud si aw sharci ku noqdo waa in loo maraa wado qaanuunku ogolyahay oo ah tan sare ku cad.

_ Madaxweynuhu wuxuu leeyahay is_fahamka hore iyo faafinta rasmigaa.

_ Xukuumadu waxa soo gashaa heshiiska.

_ 2 Aqal waxa ay ku meel mariyaan in aw sharci noqdo.

_ Garsoorku wuxuu soo saara Xukun.

Arimaha wel_welka ku abuuray shacbiga qaar, dadka Soomaaliyeed iyo hogaankooda ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan in ay qaranimadooda ilaashadaan dunida danaha wada lehna la dhaqmaan ama iskaashadaan.

Elmi Farah Nur Wabi

 



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*